Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Booliiska saldhigga degaanka Garasbaaley ayaa saakay toogtay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo doonayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka dowladda
Dhagarqabahani ayaa qorsheynayay in uu dilo askari ka tirsan ciidanka aruuriya canshuuraha ayey ciidamada amnigu ku dileen isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.
Taliyaha Qeybta Galbeed ee Boliiska Gobalka Banaadir G/lle dhexe Yaasin Nuur Kheyre ayaa sheegay in wada shaqeynta shacabka iyo Boliiska ay sahashay in saaka la toogto dhagar qabe Khawaarijta ka tirsan.
Ciidamada dowladda ayaa maalmahan muqdisho ka waday howlgallo lagula dagaalamayo khawaarijta bulshada ku dhax dhuumaneyso si dhagartooda shacabka looga bad-baadiyo.