Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah wasiiradda arrimada dibada dalalka Afrika
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah wasiiradda arrimada dibada dalalka Afrika
GudahaWararka

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah wasiiradda arrimada dibada dalalka Afrika

By Bile
Last updated: February 16, 2023
2 Min Read
Share

Addis Ababa-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac Hurruuse oo magaalada Addis Ababa kaga qayb-galaya shirka Midowga Afrika ee wasiirrada Arrimaha Dibadda ayaan kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda shirka ka qayb-gelaysa.

Mas’uulinta uu wasiirku kulmada miro-dhalka ah la yeeshay waxaa ka mid ahaa   Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia Mudane Demeke Mekonnen Hassen, Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Qurba-joogta ee Kenya Dr. Alfred Nganga Mutua oo ay labadaba isla soo qaadeen Iskaashiga dhinacyada Ammaanka, Diblumaasiyadda iyo deris wanaagga ee  dalalka jaarka ah, Waxaa kale oo  ka wada hadaleen meel marinta war-murtiyeedkii ay madaxda wadamada derisku  Muqdisho ka soo saareen horraantii bishan Febraayo iyo shir heer wasiirro ah oo kulanka madaxda daba socda oo bisha soo socota ee Maarso uu wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS ku martiqaaday magaalada Muqdisho wasiirrada dhiggiisa ah ee gobolka.

Waxaa kale oo Wasiir Abshir Cumar Jaamac (Hurruuse) uu  kulamo la yeeshay wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Tanzania,  Uganda, Algeria, Rwanda, Nigeria, Ghana,  iyo Komoros oo sanadkan qabanaysa guddoonka Midowga Afrika.

Qodobada ugu muhiimsan ee wasiir Abshir uu kala hadlay Wasiirrada dhiggiisa ah  waxaa ka mid ahaa.

1-inay Soomaaliya hesho taageerada wadamada Afrika ee tartanka aan ugu jirro ka mid noqoshada xubinta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka qaramada midoobay oo dhacaysa June  2024.

2- taageerada codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika ( EAC) oon si gooni ah ugala hadlay wadamada xubnaha ka ah.

3- xaqiijinta qoondada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Midowga Afrika oon muddo dibad joog ka ahayn fursadaha shaqo iyo mashaariic ee Midowga Afrika bixiyo.

Shirkan wasiirrada Arrimaha dibadda Afrika ayaa hordhac u ah midka Madaxda Afrika oo 18 furmi doona, waxaana rajo weyn laga qabaa sanadkan inay ka soo baxaan qodobada muhiim u ah dalkeenna.

TAGGED:Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah wasiiradda arrimada dibada dalalka Afrika
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Baarlamaanka maanta nasiib ma u yeelan doona ansixinta Dastuurka?  (WARBIXIN)

Si aan wa badan uga ogaanno Dastuurka horta waa maxay Datuur? Dastuur (Af Ingiriis : constitution) waa qaanuunka ama heshiiska…

GudahaMaqaallada
February 21, 2024

Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka tacsiyeeyay dil loo geystay muwaadiniin Turki ah

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Türkiye Alper…

Gudaha
April 5, 2024

Wasiir Fiqi oo cambaareeyay qulqulka hubka sharci-darrada ah ee ka imanaya Itoobiya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, ayaa cambaareeyay soo gelinta hub sharci-darro ah oo ka yimid Itoobiya,…

GudahaWararka
October 6, 2024

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey Magaaladda Kismaayo “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Wafdi uu Hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Odowa Yuusuf Raage ayaa safar Ku tagay magaalada kismaayo…

GudahaWararka
October 8, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023