Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM
    September 28, 2025
    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in hawlgalladii u dambeeyey lagu dilay 200 oo ka tirsanaa Khawaariijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in hawlgalladii u dambeeyey lagu dilay 200 oo ka tirsanaa Khawaariijta
GudahaWararka

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in hawlgalladii u dambeeyey lagu dilay 200 oo ka tirsanaa Khawaariijta

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 15, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay howlgalladii u dambeeyey  ku dileen 200 oo ka tirsan kooxda khawaariijta argagixisada Al-Shabaab,deegaannada ku yaalla dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Jubaland, tan iyo bilowgii toddobaadkan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay xaalladihii iyo isbeddeladii ugu dambeeyey ee ku guulaysatay Dowladda soomaliya.

Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri “Howlgalladan oo ahaa kuwo xooggan ayaa lagu dilay ku dhawaad ​​200 oo maleeshiyaad ah oo ka kala dhacay deegaannada “Qayacad” ee Galmudug, “Sabid” oo Koonfur Galbeed ah iyo “Afmodow” oo ka tirsan Jubbaland, isagoo sidoo kale xaqiijiyey in ciidanka la wareegeen deegaanno kala duwan.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ay u suurtagashay shalay subaxnimadii Talaadada in ay gacanta ku dhigaan horjooge Salmaan Daadir oo ahaa sarkaalkii qaraxyada u qaabilsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaano ka tirsan gobolka Mudug, oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale Waxa uu Wasiirku carabka ku dhuftay in shacabka Soomaaliyeed ay bilaabeen inay ka jawaabaan awaamiirta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku aadanaa sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada, lagana shaqeeyo sidii ciidanka loo garab istaagi lahaa, loona dhiiri gelin lahaa naf iyo maalba, sidoo kalena  Ra’iisul Wasaaraha XFS uu qabtay dhowr jeer, Kulamo uu la qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir si sare loogu qaado amniga caasimadda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa ka hadlay go’aanka Hay’adaha amniga, kaasoo loogu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ka fogaadaan cid kasta oo gacan siinaysa kooxaha xiriirka la leh argagixisada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cudub ee Midowga Yurub

Dhuusamareeb (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka ka dhanka aragagixisada ayaa…

GudahaWararka
September 18, 2023

Wasiirudowlaha Caafimaadka XFS oo furtay olole Caafimaad oo fulinayaa Dhakhaatiir Masaari ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS oo daahfurtay olole caafimaad oo ay Isbitaalka Martiini ka fulin doonaan dhaqaatiir…

GudahaWararka
September 21, 2024

Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood oo faahfaahinta ka bixiyay howlgalkii ka dhacay degmadaas

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe Macallin Muxudiin Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo saakay ka dhacay…

GudahaWararka
April 7, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay madax ka socotay Qaramada Midoobay

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Mudane, Cali Cabdullaahi Xuseen ( Guudlaawe) ayaa maanta hooygiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud…

GudahaWararka
November 10, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023