Qaahira-(SONNA)-Waxaa magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar lagu soo gabagabeeyay shirka shanaad ee guddoomiyeyaasha Baarlamaanka dalalka Carabta.
Shirka ayaa waxaa shir guddoomiyay, guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta,Caadil Alcasuumi waxana ka qaybgalay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuqayth, guddoomiyaha baarlamaanka Africa iyo diblomaasiyiin kale.
Muddadii uu shirku socday 8-11 February, waxa lagu lafo guray ammaanka cuntada ee Caalamka Carrabta waxaana lagu meelmariyay qoraal loo gudbin doono shirka Madaxda Jaamacada Carabta ee ku qabsoomi doona Mauritania bisha Maarso, 2023.
Waftiga Soomaaliya uga qaybgalay shirka waxa ka mid ahaa Cabdirisaaq Xareed, Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Jama Askar.