Muqdisho(SONNA):-kooxda naxariista daran ee khawaariijta Al-shabaab ayaa ayaa wajahaya cabsidii ugu darnad ka dib markii lagu qaaday hawlgalo ciidan oo ay iska kaashadeen Ciidamada qaranka oo kaashanaya kuwa deegaanka,hawlgal dhacay 11 bishan ayaa khawaariijta looga dilay 18 a tirsanaa kooxda khawaariijta,sidoo kale hawlgal kale oo ay fuliyeen ciidanka qaranka oo kaashanaya kuwa dib u xorraynta deegaanadda kana dhacay gobolka Mudug ayaa khawaariijta looga dilay 117 xubnood oo ka tirsanaa.
Hawlgalada baaxadda leh ee lagu ekeeyey kooxda khawaariijta ayaa sababay kala shaki soo kala dhex gala khawaariijta,sidoo kalena waxa adkaatay isu socodka gobolada ay isaga kala gooshi jireen khawaariijtu,intaas oo keliya kuma eka jabka gaaray khawaariijta ee sidoo kale waxa lumay xiriirkoodii wada shaqayneed ka dib markii horjoogeyaasha kooxdu diideen in ay isticmaalaan gabi ahaanba wax Telefone ah iyagoo ka cabsi qaba in xogtooda la helo una noqdaan bartilmaameed.
Warbaahinta qaranka ayaa ogaatay in guud ahaan horjoogayaasha kooxdu joojiyeen isticmaalka telefonada gacanta sidoo kale waxay joojiyeen in ay dadka kala hadlaan/uga gudbiyaan fikirkooda gurracan goobaha cibaadadda sida masaajida Maxamed Cumar Abu-ayaan oo la socda culayska iyo cabsida ay wajahayaan horjoogayaasha kooxdu ayaa sheegay in cabsida ay shacabka badeen iyaga isku rogtay maanata gacan ku gabad yihiinโ marka ugu horaysa Khawaariijta madaxdooda iyo iyaguba xabsi ayey galeen,qof aan baabuur ku socon Karin,qof aan gurigiisa seexan Karin,qof aan telefonekiisa isticmaali Karin,qof aan maqaayadaha caadi shaaha uga cabi karayn, qof aan masaajidada caadi ugu tukan Karin, qof dhulka uu seexanayey godad ka qotay waad arkaysaa waa qof cabsi xooggan ku jira,cabsidii ay shacabka cabsi gelin jireen maanta iyagaa ku jiraโ ayuu yiri Maxamed.
Maxamed ayaa sidoo kale barbar dhigay cabsida haysa khawaariijta iyo midi ay shacabka ku cabsi gelin jireen isagoo xusay in aan shacabku maqaayadaha ka dhuuman jirin,telefonadana tuuri jirinโ shacabka godad ma qodan,baabuurtooda geedo ma saaran,caqiidadooda ma qarin qof walba wuxuu u noolaa six or ah iyadoo la handadayo,halka khawaariijtu cidna aamini waayeen oo gacan ku gabad yihiinโ ayuu yiri Abu-ayaan.
dowladda soomaaliya xayritay in ku dhow 250-Akoon iyo 70-lambar oo kawaarijta lacaga loogu diri jiray,taas oo ay Shacabka soomaaliyeed la soo wadaageen islamarakaana laga howlgalay oo gebi ahaanba la xiray,โSidee suurgal u tahay in tubooyinka ay lacagtu ugu socoto khawaarijta Shacabkana ay ku dhibaateeyaan,ma aqabalayno in Al-shabaab lacag ay ka qaataan shacabkeenna, dowladda way ka goโantahay in ay joojiso gebi ahaanba lacagaha ay helaan khawaariijtaโ sidaa waxa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh,tan ayaa marag u ah in khawaariij dhan walba looga adkaaday maantana ay yihiin gacan ku gabad.