Imaaraatka Carabta (SONNA):-Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo looga hadlayo kobcinta awoodda dhallinyarada iyo ka qayb-galkooda xukunka.
Shirweynahan oo ay ka soo qayb-galeen wufuud gaaraysa 4000 oo xubnood kana kala socda 150 dal ayaa ka kooban 22 madal oo mid walba dood gooni ah lagu soo bandhigayay.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galay madal gaar ah oo ay lahaayeen wasiirrada Dhalinyarada iyo cayaaraha ee wadamada Carabta ayaa diirradda lagu saarayay ilaalinta luuqadda iyo fikirka dowladaha carbeed,
Madasha ayaa sidoo kale looga dooday fursadaha iyo caqabadaha dhallinyarada dunida Carabta iyadoo Wasiir Maxamed Barre uu soo bandhigay fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo shirka ka caddeeyay in dhalinyaradu ay tahay awoodda ugu badan ee Soomaaliya ay ku tiirsantahay dhinacyada horumarka ammaanka, dhaqaalaha iyo Hal-abuurka casriga ah intaba, wuxuuna caddeeyay in dadka ka yar daโda 35 jirka ay gaaryaan 80% taasoo ah fursad aysan haysan dunida inteeda badan.
Wasiir Maxamed Barre ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsanyahay ay ku hawllantahay in meesha laga saaro dhammaan qodobada caqabada ku ah ka qayb-galka siyaasadda ee dhallinyarada si looga faaโiidaysto awooddooda.
Xubnaha wafdiga ee wasiirka ku weheliyay shirkan waxaa ka mid ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo isna ka qayb-galay doodo la xiriira sidii farsamo ahaan loo jihayn lahaa dhallinyarada dunida Carabta iyo Eng Fahad Cali Xasan oo ah la-taliyaha Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha.