Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed
    July 1, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota
    June 30, 2025
    Xuska 65-aad ee xornimada dalka oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee Tanzania
    June 30, 2025
    Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag
    June 30, 2025
    Wasiiru dowlaha Qorsheynta oo la kulmay  Ra’iisul wasaaraha Libiya
    June 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wax ka ogow sheekada ku hoos qarsoon dagaalka khwaarijtu ka waddo dalkaan (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wax ka ogow sheekada ku hoos qarsoon dagaalka khwaarijtu ka waddo dalkaan (Warbixin)
GudahaMaqaalladaWararka

Wax ka ogow sheekada ku hoos qarsoon dagaalka khwaarijtu ka waddo dalkaan (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 12, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Muddo ka badan 15-sano ayay dalka iyo dadka dhibaato adag ku hayeeN Khawaarijta, waxaana hadda isbedel xoog leh oo dardar ku socda laga dareemayaa howlgallada lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta arxanka daran, kuwaas oo laga saaray deegaanno badan oo ka tirsan dalka.

Si aan loo fahmin dhagarahooda waxay soo dhoweysteen cid walba oo aan lahayn aqoon Diineed iyo mid maadi ah, kuwaas oo ay ka dhigeen madaxdii xukumi lahayd Bulshada Soomaaliyeed ee qadarisa dhaqankooda iyo Diintooda.

Waxaad isweydiineysaa maxay tahay sababta ay u dhisan yihiin Khawaarijta laga hor wareejinayo caqabadii ay ku hayeen Diinta, dhaqanka iyo horumarka?.

Maxamed Cumar Abuu Ayaan ayaa su’aashan hordhignay  “ Waa inaan ummaddeyda u naxaa, Ummadeyda muslimiinta ahna waa inaan u sheegaa wax haba yaraatee Diin ah u socon, oo wanaagooda u socon, Waxaan ka aamisanahay in ay yihiin dad la soo shaqaaleystay oo ummadda muslimiinta Soomaaliyeed ka hortaagan in ay marnaba nabad helaan oo midoobaan, oo dowladnimadooda u soo laabato kana baxaan qaxootinimada iyo dhibaatada,”.

Qofka waliba oo Soomaaliyeed waxay si cad u ogtahay dagaalka Khawaarijta ay ku hayso Diinta si bulshada u fasahaadiyaan, waxaase ka sii daran dagaalka aan la ogeyn oo ay ku hayaan dhaqanka Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa cabiraya sida Khawaarijta u marin habaabiso una caburiso bulshada iyo dadka hormuudka u ah.

“ Qabiil dhanaa loo tegayaa, kan dadka ugu jaahilsan ugu caraabisan ama ugu dhalinyar aa kaaba qabiilka looga dhigaa, cuquladadii dadkaasi, waxgaradkooda midna waa la eryay, midna xabsi ayaa la geliyay, waxaan arkay 80-sano jir dhahaaya 7-jeer ayaa xabsi galay, waxaana arkay todobaatan iyo dhowr jir dhahaayo 7—sano beledkan ka maqnaa amar ayaa la igu siiyay inaan ka baxo,”

Dulmiga aan ka soo sheekeynay waxaa laga dareemay qoyska kasta oo Soomaaliyeed sida uu qabo Sheikh Ibraahim Maxamed Kulmiye.

“ Qoys maanta ummadda Soomaaliyeed oo dulmiga Khawaarijta uusan gaarin lama soo helaayo si taban ama si togan ayay ummadda Soomaaliyeed u wada dhibaateeyeen,”.

Iftiiminta aan ku sameynay Khawaarijta oo ah in ay yihiin duul u shaqeynaya quwada kale waa mid aan ku dooneyno in ay ku sii baraarugaan Bulshadan ka kacdoontay dhagarta xadka dhaaftay oo ay muddo ku hayeen.

Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa dhawaan Khawaarijta kala wareegay deegaanno iyo degmooyin badan oo muddo ka badan 10-sano gacanta ay ku hayeen, waxaana laga dilay horjoogayaal sar sare. Dhinaca kale, waxaa xoogaystay kacdoonka dadweynaha Soomaaliyeed ay kaga qayb qaadanayaan hawlgalka lagu cirib tirayo kooxaha khawaariijta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Muqdisho(SONNA):-Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

R/wasaare Khayre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Sweden

Muqdisho.(SONNA)--Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u fadhiya…

Wararka
October 29, 2019

RW ku xigeenka dalka : Waxa maanta ii muuqatay cududda, caqliga, kartida iyo awoodda ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in filicka dowladda Itoobiya ee ku aaddan qaadashada badda Soomaaliya…

GudahaWararka
January 3, 2024

Xulka Talyaaniga oo u soo baxay Final-ka koobka Qaramada Qaaradda Yurub ee Euro 2020.

Muqdisho (SONNA)- Xulka Talyaaniga oo u soo baxay Final-ka koobka Qaramada Qaaradda Yurub ee Euro 2020. Xulka Ku badda Cagta…

CaalamkaCiyaaraha
July 6, 2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo Shaaciyey Jadwalka Guud ee Doorashada Baarlamaanka Labada Aqal ee JFS

Muqdisho (SONNA)-Si waafaqsan mas'uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ka saaran hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor…

GudahaWararka
July 16, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023