Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow oo uu weheliyo ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha bini-adanimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shalay magaalada Adis Ababa uga qayb-galay kulan heer wasiiro ah oo ku saabsan sugnaanta cuntada Geeska Afrika.
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga Beeraha ee Midowga Afrika iyo ururka caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (IFRC) ayaa diiradda lagu saaray saddexdan qodob ee hoos ku xusan oo muhiim gaar ah u leh horumarinta Beeraha si loo gaaro isku filnaansho cunno waarta.
- Mudnaanta istaraatiijiga ah ee u baahan maalgashi si loo gaaro isku filnaasho cunno oo waarta.
- In la sameeyo qorshe hawleed wadajir ah oo bini’aadantinimo oo degdeg ah iyo barnaamijyo ku salaysan adkeysiga muddada fog si loo xaddido gaajada ba’an iyo nafaqo darrida ka jirta gobolka.
- Abaabulidda taageero istaraatiijiyadeed iyo ilo dhaqaale ee lagu kobcinayo xalalka sugnaanta cunnada ee mustaqbalka fog ee Geeska Afrika.