Nairobi-(SONNA)-Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo booqasho ku tagay xafiiska xeer ilaalinta guud ee dalka Kenya ayaa waxaa halkaasu ku soo dhaweeyay xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Kenya, mudane Nuuradiin Xaaji .
Labada Mas’uul ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee kenya oo ay kaga wada hadleen, shaqooyinka baaxadda leh ee labada xafiis iyo waxyaabaha mudnaanta leh ay ka wada shaqeyn karaan sida karaanka xirfadlayaasha xafiiska, habraaca baarista iyo eedeynta, barnaamijka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgalinta argagaixisada.
Inta uu socday kulanka labada xeer ilaaliye ayaa sidoo kale waxaa looga wada hadlay iskaashiga iyo wada shaqeynta gaar ahaan arrimaha la xariira nidaamka maareynta kiisaska iyo dambiyada ka gudba xaduudaha oo muhim u ah tayada shaqo ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.