Muqdisho.(SONNA):- Hay’adda Qaran ee maaraynta masiibooyinka ayaa sheegtay in ku dhawaad 7-milyan oo Soomaali ah ay gurmad u baahan yihiin, iyadoo shir arrintaasi looga hadlayo uu ka dhacay Muqdisho.
Waxaa maanta magaalada Mogadishu lagu qabtay shirka qorshaha ka Jaawabista arrimaha bini’aadinimo ee Soomaliya, Iyadoo furitaanka shirka ay iska kaashadeen Hay’adda Maaraynta musiibooyinka Qaranka iyo xafiiska arrimaha bini’aadinimada ee Qaramada Midoobay.
Gudoomiyaha hay’adda SoDMA Maxamud Macallin oo ay wehliyaan madaxa isku duwidda arrimaha garagaarka ee Qaramada Midoobay Adam Abdwlmoula iyo Ergayga gaarka ah ee arrimaha ka jaawaabista abaaraha Abdirahman Abdishakur ayaa si wadajir ah u soo saaray qayla dhaan ku aaddan ka jawaabista arrimaha bini’aadinimo ee dalka, iyagoo sheegay in loo bahanyahy lacag dhan 2.6 bilyan si loogu taageero dad tiradoodu tahay 7.6 milyan.
Sidoo kale, madaxda ayaa meesha ka sheegtay in 8.25 milyan oo dad ah ay baahanyihiin taageera naftooda lagu badbaadinaayo.