Muqdisho(SONNA)–Dhawaan waxay Golaha Shacabka ay meelmariyeen hindise-sharciyeedka Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee marka la soo gaabiyo loo aqoon og yahay NISA, waana mid ka mid ah hey’addaha amni ee ugu awooda badan Soomaaliya, NISA waa magac ay cabsi dareento cid kasta oo cadowga shacabka Soomaaloyeed ahi markay maqasho,mudo dheer oo heya’adda aanay lahayn sharciyad rasmi ah maanta waa guul u soo hoyatay Shacabka & Dowlada Soomaaliyeed in maanta ay sharci iyo xeer leedahay hey’addii nabadsugida & Sirdoonka Qaranka, waxayna hey’addaan ay ka soo farcantay markiidii hore, islamarkaana ay ka tirsaneyd hoggaan ka mid ahaay Hoggaanada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo laga soo wareejiyay sanadkii 1972-kii, loona bixiyay National security Services ( NSS).
Haddii aan dib u milicsanno Hey’addii Nabad sugidda ee NSS-ta waxay soo qabatay howlo badan oo Dalka iyo Dadka waxtar u lahaa, taasi oo mar walba ka badbaadin jirtay hagar daamooyinka ay soo maleegi jireen Qolyihii aan markaasi cadowga aheyn, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa Xilligii dagaalkii adkaa ee sanadkii 1977-kii, iyadoo qeyb weyn ka qaadatay sidii loo difaaci lahaa Xorriyadda, sharafta, karaamada iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ee Muqadaska ah.
Hey’add nabad sugidda ee NSS-ta, waxaa la aas-aasay 53 sano ka hor, waxaa kaliya ee lagu eedeeyn karo ayaa ah inaysan la marsiin Barlamaanadii jiray xilliyadii Dowladnimada laga soo bilaabo 1960-kii laa iyo bishan Febraayo horraanteedii ee sanadkan, sababtaasi ayaa ah inaysan laheyn wax sharci ah oo lagula xisaabtamo, marka waatan keentay in hadda loo sameeyo sharci, kaasi oo ku cad qoddobo cayiman ee ah waxa laga reebay iyo waxa loo ogol yahay, marka in hey”adda NISA inay sharci noqoto oo sharci ku dhaqato, xad yeelato, Madaxdeeda lala xisaabtami karo oo awoodeeda ay cayiman tahay ayaa ku cad sharcigan.
Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Fderaalka Soomaaliya waxa uu dhawaan xaqiijiyay guul taariikhi ah oo u hiillisay dimoqoraaddiyadda iyo Qaranka Soomaaliyeed, waana arrin bogaadin mudan in hey’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliya {NISA} ay yeelato sharci markii ugu horreysay tan iyo markii la dhisay muddo ku siman nus qarni, si waddanka uu u helo xasillooni siyaasadeed iyo mid amni waa in la helaa sharci hiil u noqda dowlad dhiska, sidoo kalena waa in Madaxda iyo shacabkuba xushmeeyaan Hinse-shaciyeedka NISA marka uu maro Aqalka Sare ee Baarlamanka,Madaxweynahuna uu saxiixo, waxaa soo xirmaya albaab muddo dheer iska furnaa oo ay dhibaato ku qabeen shacabka iyo qaar ka mid ah Madaxdaba, marka 53 sano kadib waxay dooneysa NISA inay sharci noqoto oo sharci ku dhaqato, xad yeelato, Madaxdeeda lala xisaabtami karo, awoodeedana ay cayiman tahay, waxaana jirta in Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad oo toddoba billood xafiiska jooga uu Golaha Wasiirada hor geeyay sharciga NISA, ayna ansiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Golaha Shacbiga uu shalay ansixiyay, waxaana u haray inuu ansaxiyo Aqalka Sare , kadibna waxaa saxiixi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Hey’adda NISA waxay hadda ku biireysa Ciidanka iyo laamaha Amaniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay, islamarkaasna in sharci ay yeelato waxa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan, Sharciguna waa aas-aaska hey’add walba, waxaa kaloo jira in Sharciga loo sameeyay NISA uu caddeynayo waxay hey’addan xaqa u leedahay iyo waxay xaqa u laheyn., sida ku cad cutubka 4-aad qodobkiisa 13-aad ee sharciga la ansixiyay, sharcigan waxa uu hey’adda u soo dejinaya heerka isla xisaabtanka oo muddo fog ka maqneyd, bal aan tilmaanno Cutubka 5-aad ee qoddobka 38-aad ee sharciga uu Golaha Wasiirada ansixiyeen waxa uu ka hadlaya xuquuqda dadka hey’addu soo xirto, aan sii cadeynee Cutubka 5-aad qodobkiisa 38-aad xarafka C waxa uu leeyahay qof walba oo ku jira gacanta hey’adda lama jirdili karo, lamana maskax iyo mooral dili karo iyo qoddobo kale oo aad muhiim u ah.
Haddaba Xildhibaanada Golaha shacabka BFS oo kulan ku lehaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise sharciyeedka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka {NISA} oo maalmihii la soo dhaafay goluhu ka doodaya, waxaana Haa ugu codeeyay 144 Xildhibaan, halka 3 ay ka aamustay, waxaana maya yiri hal Xildhibaan.
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa Golaha shacabka uga mahadceliyay meel marinta Hindise Sharciyeedka Hey’adda, wuxuuna bogaadyay si ay xil isaga saareen habsami u socod howlaha ay he’yaddu Qaranka u heyso, waxaana la ogsoon yahay in ay noqoneyso Ciidanka 4-aad ee ka tirsan Ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo markii hore ay ahaayee Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska iyo Asluubta, waxayna hey’addu qeyb weyn ka qaadataa la dagaalanka Kooxda Maleeshiyaad Argagixisada ah Khawaarijta, iyadoo sida la wada ogsoon yahay qeybta libaax ay ka qaadato dabagalka, xuuraaminta iyo ka hortaga falalka ay Shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateynayaan kooxda Khawaarjta, waxaa kaloo qeyb weyn ka qaadataa sidii loola diri lahaa dhinaca ka curyaaminta dhinaca dhaqaalaha iyo mid Militariba, iyadoo la ogsoon yahay in hey’addaan la’aanteed aysan fuli laheyn, guulshaasina aan maanta la gaari laheyn.
Marka isku soo wada duuboo waa dhab in Hey’adda NISA aan la qarin karin doorka ay ku leedahay howlgalka Dalka ka socda ee lagu baacsanayo Kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta, sidaasi awgeedna waxaa dhihi karnaa Dowladnimada oo guuleysata waxaa sal u ah sharciga oo la xushmeeya, cid walbana uu ka sarreeyo, iyo Muhiimad weyn ee u leeyahay sharcigan NISA la dagaalanka khawaariijta.
Qallinka C/laahi Ruush