Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Khawaariij waxay u tahay xilli adag oo dhaqaale
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaariij waxay u tahay xilli adag oo dhaqaale
MaqaalladaWararka

Khawaariij waxay u tahay xilli adag oo dhaqaale

By Axmed
Last updated: February 7, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Howlgalka kooxda khawaarijta dalka looga xoreynayo waxaa qeyb ka ahaa oo uu Madaxweynaha jamhuuriyadda feferaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ku dhawaaqay in aysan macquul ahayn in lacaga baadda ah ee khawaarijtu ka qaaddo dadka Shacabka ah kadibna lagu dhibaateeyo,waxaana ay dowladdu xirtay Akoonno dhowr ah oo argagixisada lacagaha loogu shubi jiray.

Tillaabadaani ayuu madaxweynuhu u arkay in lagama maarmaan u tahay howlgalka ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda guud ahaan dalka, waxa ayna dowladda soomaaliya xayritay in ku dhow 250-Akoon iyo 70-lambar oo kawaarijta lacaga loogu diri jiray,taa oo ay Shacabka soomaaliyeed la soo wadaageen islamarakaana laga howlgalay oo gebi ahaanba la xiray,“Sidee suurgal u tahay in tubooyinka ay lacagtu ugu socoto khawaarijta Shacabkana ay ku dhibaateeyaan,ma aqabalayno in Alshabaab lacag ay ka qaataan shacabkeenna, dowladda way ka go’antahay in ay joojisu gebi ahaanba lacaga haasi” sidaa waxa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xukuumadda Dan-Qaran oo fulinaysa baaqa Madaxweynaha JFS ee dagaalka khawaarijta ka dhanka ah ee dhaqaalaha ayaa bishii 10/27/2022 waxa ay soo saartay digniino ku socday Shacabka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ,kuwaas oo loogu sheegay in aan lala macaamili Karin khawaarijta, waxa ayna dowladdu xilligaa soo gudbisay lambarro ay shacabku ku soo gudbiyaan xogta khawaarijta.xilligaa waxii ka dambeeyay khawaarijtu waxa u bilawday maalmahoodii mugdiga ahaa.waxa ayna wajaheen ciriiri dhaqaale, kaas oo qeyb ka qaatay in la dabargooyo khawaarijta awoddoodii ciidan iyo mid dhaqaale intaba.

Mudo kooban oo dabagal iyo dagaal dhanka dhaqaalaha ah khawaarijta lagu hayay waxa ay xukuumadda Dan Qaran si rasmi ah ugu dhawaaqday guulaha laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha ee khawaarijta lagula jiray, taa oo guula waweyn laga keenay,
“Natiijada hordhaca ah waxa ay xaqiijineysay in dowladdu ay xayirty 250-Akoon oo kamid ah kuwa dadka soomaaliyeed ay la soo wadaageen ha’adaha loogu talagalay in arrintaa korjogteeyaan,waxaa sidoo kale la xannibay 70-lambar oo ah kuwa khawaarijtu ay u isticmaali jireen in lacago baad ah loogu diro” sidaa waxa warbaahinta qaranka maalmo ka hor u sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdirahmaan Al-Caddaala.

Kooxda khawaariijta ayaan qarsan dhibaatada dhaqaale ee soo wajahday kooxda khawaariijta taas oo ku ridi karta in ay gabi ahaan ba tirtirmaan oo kala baxsadaan, Sh Ibraahim Kulmiye oo wax badan ka daraaseeyey ayaa qaba in dhaqaale burburka ku yimid khawaariijta uu yahay mid banaanka yaal” Nimankan maalin ay ka liitaan ma jirto mana sii jiri doonaan” ayuu yiri Sh Ibraahim.

Intaas oo guul ah waxaa barbar socday beegsiga iyo bur burinta goobaha ay khawaarijtu dadka ugu yeeri jireen iyo dadka aada intaba ,kuwaa oo qaarkood xabsiyada loo taxaabay si caddaaladda loo marsiiyo,
“Waxaad ogtihiin in dad badan oo odayaal dhaqameedyo ay ku jiraan oo khawaarijta u sii socday in aan soo qabanay,waana xirxirnay inta kalana waan u sheegnay qof walba oo lacag u sii geeynayo khawaarijta lama oggolaanayo waana dembi,waxa uuna lamid yahay khawaarijta” sidaa waxa yiri Ra’isul wasaare Xamse.

Arrimahaasi oo dhan waxa ay sahashay in awooddoodii ciidan ay wiiqaan ciidamadda dowladdu iyo kuwa degaanka, kawaarijtana laga saaray degaanno badan oo dadka shacbaka ah mudda dheer ay ku dhibaateyn jireen,sidoo kale waxaa dagaaladaasi looga dilay kumannaan isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta halka kuwa kalana ay isa soo dhiibeen,
Waxa ay khawaarijtu weysay Malaayiin doolar oo ay si baad ah uga qaadi jireen dadka shacabka ah kadibna ay ku dhibateyn jireen,iyaga oo hadda maraya marxaladdii ugu xumeyd,dhawaanna laga xoreyn doono degaannada weli ay ku dhuumaaleysanayaan dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena

Nairobi, (SONNA) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo burburiyay 2-diyaaradood oo kuwa Droniska ah

Ciidamada Isbaheysiga ee uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa maanta oo Jimco ah sheegay inay burburiyeen labo diyaaradood oo nuuca Darooniska ah…

Wararka
November 6, 2020

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay…

GudahaWararka
July 8, 2025

Golaha Aqalka sare oo ka dooday Xeer-hoosaadka golaha

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka1-aad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta…

GudahaWararka
January 8, 2023

Madaxweyne Farmaajo oo Xeer kasoo saaray ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilliyada Doorashada.

Muqdisho, (SONNA)Oct 27, 2021;Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si…

GudahaWararka
October 27, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023