Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
    May 9, 2025
    Wasiirro ka tirsan XFS oo maanta sagootiyay xujeey Soomaliyeed oo ku sii jeeda Dalka Sacuudiga
    May 9, 2025
     Soomaaliya iyo Qadar oo ku heshiiyay in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada dalka
    May 9, 2025
    Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka
    May 9, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir-guddoomiyay kulan fogaan arag oo uu la qaatay safiirrada, ergooyinka joogtada iyo Qunsulada guud 
    May 9, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
    Ingiriiska oo ku baaqay in la  qaado xayiraadda gargaarka ee Gaza
    May 2, 2025
    2-kun oo naftooda ku waayey dagaalka Gaza,kadib bishii March
    April 25, 2025
    Weerarada Israel oo sii socda & dhibanayaal badan oo u baahan daaweyn dhanka dibadda ah
    April 11, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya
GudahaWararka

War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya

By Abdulkadir
Last updated: February 5, 2023
5 Min Read
Share

Baydhabo(SONNA):-Shirka wada-tashiga dib-u-heshiisiinta siyaasaddeed iyo kan bulsheed ee dowlad goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ku baaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe taariikhdu marka ahayd 19-kii bisha November 2022, si lamid sidaas oo kale uu soo dhaweeyeen Madaxweynaha DKGS 20 November 2022 iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha kala ah; Midowga Musharixiinta, Madasha samata bixinta iyo golaha Badbaadada KGS.

Ka dib, Guddomiyaha golaha Shacabka BFS ayaa soo magacaabay isaga oo la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, guddi farsamo oo ka kooban toddobo (7) xubnood oo ah guddiga farsamada ee arrimaha dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka Dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya taariikhda marka aheyd 17 Janaayo 2023, shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyaha golaha Shacabka M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, Madaxweynaha DKGS M.ne Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagreen), iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta KGS iyo mas’uuliyiin kala duwan ee labada heer ee Federaalka, Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah.

GUDDOMIYAHA GUDDIGA DIBU-HESHIISIINTA

Markuu Arkay: Qoddobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qobdobka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG;

Markuu Arkay: Qoddobka 4aad ee War-murtiyeedka shirka dib-u-heshisiinta oo ka qabsoomay magaaladda Baydhabo 17, Diseember 2022 oo tilmaamayo in Guddoomiyaha golaha Shacabka uu soo magacaabo Guddiga Farsamadda;

Markuu Arkay: Qoddobka 3aad farqadda 5aad ee Dastuurka DKGS;

Markuu Arkay: Qoddobka 37aad farqadda 1aad Go’aanka golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay tahay hey’adda ugu sarreysa ee sharci dajinta Dowladda Koonfur Galbeed;

Markuu Dhageystay: Talo soo jeedinta odayaasha dhaqanka KGS oo ah marjica marka ay la soo gudboonaato xaalad Goleyaasha Dowladda si waafaqsan Qodobka 60aad Xarafka (C) ee Dastuurka KGS, xukuumada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo siyaasiyiinta ku midoobay dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka.

Markuu Arkay: Dhamaan Nuquladda ay soo wada Gudbiyeen Golaha Wakiiladda nuqulka 1aad ee soo baxay 18ka Abriil 2020 iyo Nuqulka 2aad Tix: GW-DGKGS/XG-09/2020 kuna taariikhsan 20ka Abriil 2020 oo labaduba ku saabsan: wax kabadalka Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya Qoddobka 50aad kaas oo lagu daray Farqada 3aad;

Marka uu Tixgaliyey Nuqulka go’aan ay soo gudbiyeen oo ay xukumadda DKGS Shirka Dib-u-heshisiinta, kuna taariikhsan 01st Febraayo 2023, iyo kan dalladaha ku midoobey; Midowga Musharixiinta iyo Madasha samata bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo isna ku taariikhsan 2 Febraayo 2023;

Markuu Arkay: Ismaandhaafka Siyaasaddeed ee ka jiro KGS uu caqabad ku yahay dhamaan horumarada laga sameyn lahaa la dagaalanka kooxda khawaarijta al- Shabaab iyo Horumarinta Koonfur Galbeed Soomaaliya;

Waxaa uu gudoomay guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qoddobka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG, sidoo kalena isaga oo tixgalinaya Qoddobka 37aad Farqadda 1aad ee Dastuurka KG.

Qobkobka 1aad

Gudoomiyaha Golaha Shacabka marka uu xaqiijiyey arrimaha siyaasadeed iyo mida bulsheed ee dooda ka taagneyd, wadatashi dheer kadib waxaa la go’aamiyey:

In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iyaga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qoddobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG.

In doorashada guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaaliya la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024.

Qoddobka 2aad

Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso Heshiiska qodobada kor ku xusan.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

Muqdisho.SONNA…1.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo socday muddo laba…

May 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland iyo Wasiirka Haweenka XFS oo kulan muhiim ah ku yeeshay Garowe

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee xukuumadda Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim) oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa la kulan…

Wararka
December 1, 2020

Wasiiru-dowlaha Gaadiidka XFS oo kormeeray garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Baydhabo (SONNA) -Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Cabdikariim Cabdow Xaydar oo maanta kormeer shaqo ku tagay…

GudahaWararka
December 19, 2024

Xeer ilaaliayaha guud ee qaranka “xubin-nimada ururka xeer ilaaliyaasha bariga afrika faa’iido weyn ayay Soomaaliya u leedahay”

Muqdisho:-SONNA-Xeer ilaaliayaha guud ee qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka qeyb galay Shirka sannadeedka 10-aad ee ururka Xeer ilaaliyaasha…

GudahaWararka
March 2, 2023

Israel oo xannibtay gargaarka kadib roob wata daadad oo ka da’ay Gaza

Qaramada Midoobay ayaa ku eedaysay Israa'iil inay sii waddo hor-istaaga gargaarka bini’aadanimo ee ku socda Gaza,xilli roobab mahiigaan ah oo…

Caalamka
December 31, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023