Muqdisho (SONNA) Wasiirka wasaasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshadda ee DFS Mudane Biixi Iimaan Cige, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Mudane Cumaan Libaax Ibraahim iyo Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa maanta si wada jir ah u daah furay tiro koobka shaqaalaha dowlada.
Tiro koobkaan oo lagu sameyn doona dhammaan Shaqaalaha Rayidka ee dowladda ayaa maanta lagu bilaabay wasaarada Shaqada & arimaha bulshada iyo wasaarada Howlaha guud ee DFS.
Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa xusay in hormar wanaagsan laga sameyay dhanka diiwangelinta iyo tiro-koobka shaqalaha Rayidka waxuu xusay in waxii hadda ka danbeeya xogta halkaan lagu diiwangeliyo go’aan lagu qadan doona.
Ugu danbeyn, Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada Mudane Biixi Iman Cige ayaa bogaadiyay Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo howl-wadeenada shaqada wada asagoo kula-dardaarmay in si hufan ay howsha u qabtaan.