Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    July 25, 2025
    Taliyaha Ciidanka Badda oo ka qayb galay Bandhigga Carwada hubka ee lagu qabtay Istanbul
    July 25, 2025
    Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku soo qaaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole
    July 25, 2025
    Wasaaradda Amniga XFS oo cambaaraysay daadinta Dhiigga Dadka Soomaaliyeed ee uu sii wado Eedaysane Axmed Madoobe
    July 25, 2025
    Dood ku saabsan doorashada qof iyo codka ah oo lagu qabtay Muqdisho.
    July 25, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dowladda Soomaaliya oo isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Dowladda Soomaaliya oo isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 4, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Magaalada Muqdisho waxaa ku qabsoomay dhammaadkii Todobaadkii la soo dhaafay shir ay ka soo qaybgaleen Madaxda Wadamada Deriska la ah Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo ah ama loo yeero Wadamada safka hore, islamarkaana ay ka joogaan Ciidamada nabad ilaalinta ayaa ka qebgalay shirkaasi, kaasi oo socday muddo saacado ah, waxaana uga sii horreeyay shir ay lahaayeen Wasiirada Gaashaandigga iyo Taliyaasha Ciidamada ee dalalkaasi iyo Soomaaliya, ugu dambeyntiina waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka koobnaa 15 qodob oo horay khadka Isgaarsiinta looga wada hadlay halka qaar kalena ay ahaayeen kuwo muddo horeba ay heshiis ku ahaayeen, iyaadoo qodobada qaar ay xambaarsanaayeen fariimmo mug leh, waxaana ka mid ah qodob ka hadlaayay ilaalinta midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Qodobkaasi oo ahaa kan 1-aad ayaa u qornaa sidan:- In la tixgeliyo madaxbanaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya. Waxaa la dhihi karaa waa kan ugu muhiimsan, waxaa kaloo jira qodobo muhiim u ah Ummadda Soomaaliyeed waxaana ka mid ah qodobka lagu amaanay Dowladda Soomaaliya waana qodobka 2-aad, wuxuuna u qornaa sida:- Waxaa lagu amaanay Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed goโ€™aanka ay ka qaateen sidii ay uga jirriddo siibi lahaayeen dalka Alshabaab. Waxaa kaloo xiiso leh qodobka 7-aad oo u qoran sidan:- Waxaa la isla gartay dadaallada ay waddo Dowladda federalka Soomaaliya oo ay ku dooneyso in dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan hawlgallada hadda socda ee lagu burburinayo argagixisada.

Shirkaasi Goโ€™aanada laga soo saaray waxaa kaloo jira qodobo muhiim ah sida 10-aad, kaasi oo u qoran sidan;- waxaa La isku raacay hawlgal qorsheysan oo ay ku mideysan yihiin dalalka safka hore laguna baadigoobayo oo lagu burburinayo Alshabaab, iyadoo lagu furayo furimo badan, ujeedkuna yahay in la beegsado goobo ay ku dhuumaaleystaan oo dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Ololahan sida gaar ah loo qorsheeyey ayaa u diidaya kooxda inay u gudubto gobolka intiisa kale, waxaa kaloo si gaar loogu xusay qodobka 12-aad, waxaana lagu soo dhaweeyay codsiga Dowladda Soomaaliya ee lagu qalabeynayo ciidamada cusub, kuna heli karaan hubka fudud iyo kan culus, korna loo qaado awoodda Ciidamada, balse qodobka ugu muhiimadiisa lahaa ayaa ahaa qodobka 14-aad oo u qoran sidan:- Waxaa la amaanay horumarka laga sameeyey horumarinta awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkan 2023, kaasi oo muujinaya inay Soomaaliya u hesho taageero iyo garab istaag si Qaramada Midoobay uga qaaddo Cunaqabateynta Hubka.

Shirka oo uu Shir-guddoomiyay Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya mudane William Ruto, Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Raโ€™iisul-wasaarahaย  Itoobiya mudane Abiy Axmed, waxaana looga hadlay arrimaha amniga Gobolka iyo howlgallada guuleystay ee ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaasi oo u baahday in iskaashi lagala sameeyo dalalka deriska, maadama Khataraha amni ee Argagixisada aysan ku koobneyn Soomaaliya, waxayna Madaxdu isku raaceen Qodobada ahmiyaddaweyn waxaana ka mid ahaa in Soomaaliya horumar balaaran ay ka sameeysay nabad ku soo dabaalidda dalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada, waxaa kaloo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in si gaar ah loo xushmeeyo midnimada dhuleed iyo madax bannaanida Soomaaliya, islamarkaana xornimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Waxaa si aad ah loogu ammaanay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya dadaalka iyo sida ay u muujiyeen in ay ka goโ€™an tahay dalka in ay ka xorreeyaan Khawaarijta, sidoo kale, waxay madaxdu isla garteen in taageero hiil iyo hooba leh lala garab istaago Soomaaliya iyo ciidankeeda qaranka ee dadaalka ugu jira dib u xorreynta dalka.

Madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa soo dhoweeyey dadaalada dhinaca siyaasadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo gaar ahaan kulamada golaha wadatashiga qaranka ee dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ay kaga hadlayaan ajandayaasha qaran ee muhiimka ah iyo in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Shirka ayaa lagu taageeray bogaadinna loogu jeediyey ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika dadaalka ay ka wadaan Soomaaliya, waxaa sidoo kale, lagu soo dhoweeyay shirka dadaalada Soomaaliya ay waddo ee dib u qaabeynta ciidamada, iyadoo ay jiraan ciidamo badan tababarro meelo kala duwan oo gudaha iyo dibadda dalka ku soo qaatay, ujeedkoodana uu yahay in ay ka gun gaaraan xoreynta dalka, amniga dalkanna ay sugaan.

Waxaa kale oo la soo dhoweeyay codsi ay soo jeedisay Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya oo ah in dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay sii laba laabaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya haddii ay noqoto dagaalka lagula jiro argagixisada Al-shabaab iyo xuduudaha dalalkaas ay la leeyihiin in laga ilaaliyo in Khawaarihtu ay falal amni darro ka geystaan, waxaa la amaanay horumarka laga sameeyey horumarinta awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkan 2023.

Waxaa la isla gartay baahida loo qabo adkeynta qorshaha kala guurka ah ee hore u jiray kuna aaddana dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo sidoo kale, Beesha Caalamka ayaa laga dalbaday in ay Soomaaliya ka taageeraan barnaamijka xasillinta oo deegaannada la xorreeyay ay helaan adeegyada asaasiga ah ee shacabka u baahan yihiin sida waxbarashada, caafimaadka, maamul loo sameeyo iyo in loo dhiso ciidamo sugi kara amniga guud ee deegaannadaasi.

Muhiimad ahaan shirkasi waxa uu u ahaa mid muhiimad gaar u ah Dowladda Soomaaliyeed iyo Wadamada dariska la ah oo si weyn uga arrinsaday waxa ay ka yeelayaan Kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta oo uu ku socdo sidii looga sifeyn lahaa Dhulka Soomaalida, islamarkaana aysan firxadkoodu gaarin Dalalka Soomaaliya Deriska la ah, sidaasi awgeed ay iska kaashadaan sidii si wadajir ah loogala dagaalami lahaa waana la isku afgartay qaabkii loo wajihi lahaa Kooxdaasi, marka ย waxaan dhihi karnaa Dowladda Soomaaliya waxay isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta.

Qallinka: C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho mar…

July 25, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qaabka loo Xakameyn karo faafinta Wararka Been Abuurka ah (WARBIXIN)

Waayahaan waxaa ku soo badanayay in Baraha Bushada lagu baahiyo Warar been abuur ah oo loo geysanayo Masuuliyiin, Aqoonyahanno, Culumaa'udiin…

GudahaMaqaalladaWararka
June 5, 2023

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgalo balaaran ka wada deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug

Muqdisho (SONNA) Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa howlgalo balaaran waxay ay kawadaan maanta deegaanka Bacaadweyne…

GudahaWararka
February 21, 2023

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo sheegay in dowladda ay ka goโ€™antay qabsoomidda doorashada โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo isna ka hadlay shirka ayaa ka mahadceliyay shacabka iyo…

Wararka
December 30, 2020

IGAD oo ka walaacsan xaaladda Ethiopia ayaa ku baaqday wadaxaajood nabadeed

Djibouti (SONNA)- Urur goboleedka IGAD ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan arimaha ka soo cusboonaaday itoobiya gaar ahaan gobalka tigreega…

Wararka
November 8, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023