Muqdisho.(SONNA):- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbaddiisii jimcaha kaga hadlay halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab,doorka culumada iyo la dagaallanka masuq maasuqa ay dowladdu waddo.
Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa sheegay in culumada Soomaaliyeed ay cadeeyeen in nimankaas cadowga ee dalka iyo dadka dhibaateeyay lala dagaalamo lagana ciribtiro guud ahaan dalka si loo helo nabad iyo kala dambeyn waarta.
“ Waxyaabaha ay aadka ugu hadleen waxaa ka mid ah in nimankaas cadowga ah ee aan ka dhaqaaqi la’nahay lala dagaallamo oo sidii dowladda ay u jideysay oo ah Ciidana ahaan (Militari) loola dagaallamo, dhinaca dhaqaalaha iyo fikirkana lagala dagaallamo intaba culumada aad bey uga hadleen,” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha JFS.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si adag kaga hadlay cadaaladda iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa, wuxuuna sheegay in musuq-maasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada.
“ Marka laga hadlo masuq-maasuq dadka waxay u yaqaan qofka xukunka ama dowladda jooga kaliya inuu wax masuq-maasuqa, ma oga inuu guriga ka soo bilowdo masuq-maasuqa, ma oga iskuulka inuu ka jiro masuq-maasuqa, Jaamacadaha,Dukaanka inuu ka jiro, masuq-maasuqa Soomaaliya waa mehradeedii, meesha ay ka imaaneyso mashaakilka inuu hoos yahay ma oga,”. ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.
Dowladda Federaalka waxaa ka go’an dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo masuq maasuqa oo labada ka mid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada,waxayna caqabad ku yihiin horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.