Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Xubno ka tirsan Ururka EAC oo lagu soo dhoweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xubno ka tirsan Ururka EAC oo lagu soo dhoweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar
GudahaWararka

Xubno ka tirsan Ururka EAC oo lagu soo dhoweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 4, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay xubno ka socday Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo maalmahaan Muqdisho u joogay sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC.

Munaasabadda soo dhaweynta oo aheyd mid isugu jiray casho sharaf iyo soo bandhigida Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Ururka EAC, Danjiraha Soomaaliya u fadhisa Tanzania, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxa Xafiiska Ururka Bulshada Bariga Africa Mrs. Tiri Marie Rose oo Munaasabadda ka hadashay ayaa waxa ay si weyn ugu mahadcelisay soo dhaweynta weyn ee iyada iyo wafdigeeda loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, iyadoona rajo weyn ka muujisay ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC oo ay ku mideysan yihiin dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, DR Congo, Rwanda, Burundi iyo South Sudan.

Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Ururka EAC Danjire Cabdisalaan Hadliye iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) oo dhankooda ka hadlay Munaasabadda ayaa waxa sheegeen in wafdiga EAC oo muddo ku dhaw labo isbuuc ku sugnaa Magaalada Muqdisho ay wax badan qiimeyn ku sameeyeen, iyagoona xusay in ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC wax badan kusoo kordhin doonno suuqa ganacsiga dalalka Geeska.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo gaba-gabadii Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ku faraxsan yihiin marti-gelinta Wafdiga Ururka EAC si ay u arkaan horumarada iyo kobaca dhaqaale ee ka jira guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo ay ku taala suuqa ugu weyn bariga Afrika ee Bakaaraha.

Sidoo kale Duqa Muqdisho waxa uu xusay in wafdiga mudada ku dhaw labada isbuuc oo ay joogeen ay arkeen wax badan oo sahli kara in Soomaaliya ay ku biirto EAC, asigoona rajeeyay in quimeynta la sameeyay ay noqon doonto mid buuxisa shuruudaha la doonayay.

Inta Munaasabadda ay socotay ayaa waxaa la soo bandhigay Cuntooyinka Wadaniga, Cayaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida, iyadoona ugu danbeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho uu Hadiyad Qaali ah oo ka turjumeysa astaamaha dhaqankeena guddoonsiiyay Xafiiska Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wafdi ka socda guddiga doorashooyinka oo Jowhar gaaray

Muqdisho (SONNA): Wafdi ka socda guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar, xarunta Dowlad-goboleedka…

GudahaWararka
July 8, 2025

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo kulan la qaatay Guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha

Muqdisho, (SONNA): Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka…

GudahaWararka
December 26, 2024

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 XFS 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐲𝐚𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane, Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka…

GudahaWararka
April 2, 2025

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa safar shaqo oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo…

GudahaWararka
July 28, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023