Xarardheere-(SONNA)-Dhallinyaran oo kamid ah dadka ay marin habaabiyeen kooxda Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, iyaga oo isaga soo baxsaday kooxda sii gabaabsiga ah ee haraadigooda howdka lagu baacsanayo.
Labadaan wiil oo kamid ah dhallinyarada ay qaldeen kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isaga soo tagay Kooxda Argagixisada ah kadib markii laga saaray deegaano badan oo ay ka joogeen Galmudug, iyaga oo maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee la wareegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifitaax Aadan Abiikar oo sheegay inay kaga kala biiireen Khawaarijta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa ka soo cararay nolosha go’doonsan ee ay ku sugan yihiin kooxda Khawaarijta, iyagoo ugu dambeyn isku dhiibay ciidamada dowladda iyo kuwa deeggaanka si ay uga badbaadan dagaalka lagu leynayo haraadiga kooxda argagixisada ah.
Dhallinyaradaan isaga hartay kooxda Khawaarijta ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen howlgallada ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee lagu baacsanayo argagixisada, iyagoo iska soo dhiibay aagga deegaanka Caad ee gobolka Mudug oo maalmihii lasoo dhaafay ay howlgallo culus ka fuliyeen ciidanka qaranka.