MUQDISHO-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta soo xiray shirka ansixinta istaatiijiyada qaran ee dhaqaalaha buluuga ah oo muddo saddex berri ah ka socday magaaladda Muqdisho kaasi ay soo wada qaban-qaabiyeen Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo dhaqaalaha Buluuga.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, ayaa tilmaamay in baahi weyn bulshada Soomaaliyeed u qabto ka faa’iidaysiga khayraadka dhaqaalaha buluuga ah si loo gaaro horumar, xasilooni, nabadgalyo iyo in ay lagama maar-maan tahay in la gaaro isku filnaanshiyo dhaqaale, shaqo abuur iyo horumar bulsho, isagoo ku boggaadiyey Wasaaradda kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluuga iyo Wasaaradaha wada shaqaynta la-leh in ay ka shaqeeyaan qorsha qaran ee looga faa’iidaysano khayraadka ceegaaga badaheena.
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan, Wasiiru-dowlaha wasaaradda Maxamed Bashiir Cali Baxnaan, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka soo qeyb galay xiritaanka shirka.
Shirkan oo si wada jir u soo qaban qaabiyeen Urur goboleedka IGAD iyo wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ayaa saddexdii maalin ee uu socday waxaa diiradda lagu saaray hirgalinta qorshaha qaran ee Dhaqaalaha Buluugga ah.