MUQDISHO-(SONNA)-Mudaneyaasha Golaha shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay Kalfadhiga labaad kulankiisa 14-aad ee Golaha Shacabka ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo horray loogu qeybiyay. Xildhibaannadda ayaa dul istaagay qodobada wax ka bedalka u baahan ee sharciga ku jira.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaana shir guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 14-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ajandihiisu ahaa:
1-Ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.
2-Qeybinta Akhrinta 2-aad ee Hindise sharciyeedka Korantada.
Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS, Xil. Nuur Axmed Diiriye ayaa xildhibaannada ka hor aqriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo uu guddigu ka soo shaqeeyay, asagoona sheegay in diyaarinta sharcigaan ay la kaashadeen khubaro sharciyaqaano ah iyo khubaro ku xildheer sharcigaan, waxaana uu xildhibaannada ka codsaday in ay ansixiyaan sharcigaan oo muhiim u ah dalka.
Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay sharcigaan., iyagoo ayaa intooda badan doododu ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo xiray kulanka maant, waxaana uu sheegay in 17 xildhibaan ay ka harsan yahiin ka doodista sharcigaan oo maalinta Arbacada ahna ay dhameeystiri doonaan ka doodista Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.