Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon
    January 11, 2026
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dilkii Al-sudani maxay Soomaaliya uga dhigan tahay? (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dilkii Al-sudani maxay Soomaaliya uga dhigan tahay? (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Dilkii Al-sudani maxay Soomaaliya uga dhigan tahay? (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 28, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen Buuraleyda gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa lagu dilay Horjooge Bilaal-al-Sudani oo ahaa  hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinten tobban kale oo kooxda ka tirsanaa,warka ayaa lagu yiri” Maraykanku waxaa uu doonayey inuu qabto horjooge Bilaal balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyay falcelin”.

Qoraal uu soo saaray Xoghayaha Difaaca Dalka Mareykanka Lloyd J. Austin ,isla markaana uu kaga hadlaayey hawlgalka Somalia,ayuu ku sheegay in tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen ciidamada cirka ay muujineyso sida Mareykanka ay uga go’an tahay ilaalinta khatarta argagixisada ee gudaha iyo dibaddaba.

Shabakadda caalamiga ah Al-Sudani waxa ay mas’uul ka ahayd kobcinta joogitaanka sii kordhaya ee kooxda ISIS ee Afrika iyo maalgelinta hawlgallada kooxda ee dunida dhan, si gaar ah dalka Afgaanistaan.

Warsaxafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Difaaca dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay howlgal qorsheysan ku dileen 11 xubnood uu ka mid yahay Bilaal-al-Sudani oo ah hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

“Bishan January 25-keedii ayaa amar ka yimid Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Soomaaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, ahaana fududeeye muhiim ah oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee Daacish” ayaa lagu yiri warsaxafadeed uu soo saaray wasiirka difaaca ee Maraykanka Lloyd J. Austin III.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inuu wax khasaare ah soo gaarin ciidamadeeda, islamarkaana qorshaha howlgalka uu ahaa inay nolosha ku soo qabtaan Hoggaamiye Al-Sudani, hasa yeeshee ciidamadii la joogay hoggaamiyaha ay sameeyeen falcelin.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Sudani uu ahaa kobciyaha iyo joogitaanka sii kordhaya ee kooxda Daacish ee qaaradda Afrika iyo waliba maalgeliyaha hawlgalada kooxda ee adduunka oo dhan.

“Tallaabadani waxay kor u qaadaysa ammaanka iyo bedqabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa, waxayna ka tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan Maraykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo debeddaba.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Maraykanka, waxayna u mahaceliyeen laamaha ammaanka ee Dowladda Maraykanka, kwa sirdoonka iyo saaxiibada kale ee ka taageeray howlgalkaan lagu guuleystay.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay hawlgalkan la socodsiisay dawladda Soomaaliya, sidoo kalena la taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo ku sugan dalkan Maraykanka ayaa soo dhoweeyey hawlgalkaasi.

La taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya ayaa u sheegay VOA in dawladda Soomaaliya ay soo dhoweynayso in la ugaarsado hoggaanka sare ee kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya, isagoo sheegay inkasta oo Daacish aanay saamayn badan ku lahayn, haddana ay suuro gal tahay in khatarta ururkaasi inuu soo weynaan karo.

Ciidammada fuliyay howgalkaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa SEAL Team Six (ST6), ama  loo yaqaanno Naval Special Warfare Development Group, ciidamadani gaarka ah waxaa  loo yaqaanaa (DevGru),iyagoo  magacaasi ay caan ku ahaayeen in ka badan nus qarni, waxayna, iyadoo howlgallo gaar ah ay ka fuliyeen meelo badan oo caalamka ka mid ah, waxaana laga xulaa xubnaha ka tirsan  militariga Mareykanka isalamarkana tababar gaar ah leh, fuliyana howlgallada qarsoodiga ah.

Haddaba maxay uga dhigan tahay Soomaaliya dilka Hoggaamiyahaasi?

Waxaan dhihi karnaa ama su’aashaasi jawaabteeda la ag dhihi karaa, waxay Soomaaliya uga dhigan tahay Qodxihi ku taagnaa Soomaalida oo mid mar laga siibaayo, waxaa kaloo jira inay ay Kooxdani dooneysay inay isku sii ballaariso Soomaaliya, islamarkaana ay xoog iyo saameyn ballaaran ku yeelato,kooxda Khawaariijta Daacish ayaa marar kale duwan ka geysatay dilal iyo falal burcadnimo qaar ka mid ah gobolada Soomaliya iyadooo uu geed fadhi uga ahaa falalkaas gurracan horjoogahan la dilay,dhinac kasta marka laga eego dilka horjooge Bilaal waxay Soomaaliya uga dhigan tahay nafis iyo naruuro Nololeed,dhinaca kalena waa qayb ka mid ah  dhibkii waa ina dhaafay, waxaana socda howlgallo lagula dagaalamayo dhammaan kooxha Argagixisada ah magaceey rabaan ha wateene.

 

Diyaariye C/laahi Ruush

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon

Muqdisho(SONNA):-Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo xadgudubka Israa’iil ay ku hayso midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Wafdi ka socdo WFP

Dhuusamarreeb, SONNA:Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtooyada Dhuusamarreeb ku qaabbilay wafdi ka socday haya’dda WFP oo…

GudahaWararka
August 26, 2024

Wasiirka Amniga Gudaha XFS iyo dhiggiisa Serbia oo ka wada hadlay Xoojinta iskaashiga Amni ee ka dhaxeeya labada Dal

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed (Doodishe) ayaa kulan rasmi ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga…

GudahaWararka
April 11, 2023

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeer Shaqo ku tagay Xerada tababarka Ciidamada ee Turkisom

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Xoogga dala Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa maanta kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee…

GudahaWararka
January 15, 2024

Soomaaliya oo Yugaandha kaga qayb galaysa shir looga hadlayo damaca gurracan ee Itoobiya

Kampala-(SONNA)-Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Cali Cumar (Cali Balcad…

GudahaWararka
January 17, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023