Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Khadija Maxmed Al-Makhzumi oo sheegtay in Khawaarijta Al Shabaab ay Mustaqbal la’aan dhigayaan Jiilalka soo socda.
Wasiir Khadiija ayaa tiri “15kii sano ee la soo dhaafay khawaarijtu waxay Jaridda Malaayiin Geed oo ay dhuxul u bedeleen kadibna u dhoofiyeen dalka dibaddiisa, si ay ugu maalgeliyaan dagaallada iyo qaraxyada ay ku laayaan shacabka, tallaabadan wuxuushnimada ah waxay lama degaan u rogtay dhul ballaaran oo markii hore keymo, Dhul-daaqsin iyo
dhul-beereed ahaa, lafdhabarna u ahaa wax soo saar dalka”.
Ugu dambeyn Wasiir Khadiija Al-Makhzumi ayaa tilmaantay in ujeedka khawaarijtu uusan ku koobna dhibaateynta dadka hadda nool oo kaliya, balse ay mustaqbal la’aan dhigayaan jiilalka soo socda, sidaas darteedna loo baahanyahay in aan u midowno iska xoreynta cadowga dadka iyo deegaanka.