Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
    In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay deegaanka Ceelhareeri ee G/Hiiraan
    June 6, 2025
    Macalin Mahdi “Qof kasta oo soo sheega xogta cadowga waxaan siin doonaa lacago  abaalmirin ah”
    June 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka warfaafinta XFS iyo wakiilka midowga Afrika oo faahfaahin ka bixiyey hawlgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka warfaafinta XFS iyo wakiilka midowga Afrika oo faahfaahin ka bixiyey hawlgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay
GudahaWararka

Wasiirka warfaafinta XFS iyo wakiilka midowga Afrika oo faahfaahin ka bixiyey hawlgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay

By Axmed
Last updated: January 25, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wakiilka Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef,oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa warbaahinta la wadaagay hawgaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka,kuwaas oo khasaare weyn loogu geystay kooxda khawaariijta Al-shabaab.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika ahna madaxa hawlgaladda ATMIS ayaa sheegay in Beesha caalamku bogaadinayso hawgallada dalka ka socda kuwaas oo dalka looga ciribtirayo kooxda khawaariij,wakiilka ayaa sheegay in ay jirto ka go’aanshiiyo dagaalka ah iyadoo la arkayo Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka,Ra’iisulwasaaraha iyo golaha wasiirdda oo jooga furimaha dagaalka.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac wasiirka Warfaafinta ayaa warfidiyeenada u sheegay in muddo 24 saac guddahood ah Ciidanka Xoogga oo kaashanaya Shacabka deegaanka ay degmooyinka Galcad,Xarardheere iyo Ceeldheer kaga saareen kooxda khawaariijta,degmooyinkan ayaa ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud,iyadoo degmooyinkani mudo 15 sano ah gacanta ugu jireen kooxda khawaariijta,shacabka degmooyinka hadda dareemaya neecow xornimo iyo adeegyadii dowladda oo la gaarsiiyey,sidoo kale degmadda Galcad ayaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta dagaal dhacay ka dib markii khawaariijtu isku da’yeen in ay weeraraan Saldhig Ciidanka Xooggu halkaas ku lahaa,ciidanka Xoogga ayaa dagaalkan waxa kaga shahiiday 7 Askari oo uu ku jiro Taliye kuxigeenkii Ciidanka Danab Gaashaanle Xasan Tuure,Madaxweynaha JFS iyo madaxda Qaranka ayaa uga tacsiyeysay eheladda iyo shacabka Soomaaliyeed shuhaddada dhiigooda u huray difaaca dalkooda.

Deegaanka Beer-faarax oo ka tirsan degmadda Xarardheere kagana beegan dhanka waqooyi waxa isla toddobaadkan hawlgal Ciidanka Xooggu fuliyeen lagu dilay 70 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta oo halkaas ku dhuumanayey.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha dhexe dagaal ka dhacay lagu dilay 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta,halka dhinaca Ciidanka xoogga ay kaga shahiideen 5 Askari,sido kale deegaanka Beerta Sheekh Qaasim oo ka tirsan Tuulada Dhagaxow hawlagal ay si wada jirka ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxa lagu dilay 70 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta Al-shabaab.

Hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka xoogga iyo Ciidanka hawlgalka midowga Afrika ATMIS kaas oo ka dhacay gobolka shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanka Danow ayey ku dileen 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta,wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hawlgal ka dhacay deegaanka Goof-guduud oo ka tirsan gobolka Baay lagu dilay 34 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta, Ciidammada amniga ayaa sidoo kale lix xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay xarunta Gobolka Banaadir kadib markii ay halkaasi soo weerareen argagixisada,halka 5 qof oo rayid ah oo uu ku jiro samafale aragga la’aa uu halkaas ku geeriyooday,wasiirka ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay in hawgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay kooxda khawaariijta ah looga dilay 323 xubnood.
Wasiirka ayaa dhinaca kale hadlay safarkii madaxweynaha Jamhuuriyaddu Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay caasimadda ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka koonfur-galbeed,halkaas oo uu Madaxweynuhu kaga dhawaaqay in wejiga xiga ee hawlgalada lagu ciribtirayo khawaariijta Al-Shabab ay ka dhici doonaan Dowladda Goboleedyada Koonfuur Galbeed iyo Jubaland,baaqa nadaxweynaha ka dib waxa bilowday hawlgallo lagu beegsaday Khawaarijta ayaa dhowaan degaannadaasi ka dhacay,waxaa kale oo uu Madaxweynaha JFS kormeer dhiirigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad oo u diyaar garoobay dagaalka lagu soo afjarayo khawaarijta.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo in ka badan 300 culumo ah ay ka qeyb galayaan,Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka ayaa xusay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, argagixisaduna ay uga been abuurteen,madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, 23 January sanadkii 1975-tii, kuwaas oo u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka.

Wasiir Daa’uud ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey kulan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya ku casuuntey kulan ayey dowladdu ku soo bandhigtay xafiiska cusub ee isku xirka iyo mideynta farriimaha dowladda ( Government Communication Office ).

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Daraawiishta ee Dowladda Goboleedka Puntland ayaa maanta, oo ku beegan maalinta 1-aad ee Ciidul…

June 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku bartilmaameedsaday Khawaarij firxad ahaa

Muqdisho.(SONNA):- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa guul weyn ka gaaray howlgal qorsheysan oo ay maanta ka fuliyeen dhulka…

GudahaWararka
April 27, 2025

Boqolaal xujey Soomaali ah oo ay kujiraan Mas’uuliyiin DFS ka tirsan ayaa xalay gutay siyaarada Rowdada ee Masjidu Nabawi SCW

Madinah al-Munawwarah-(SONNA)- Boqolaal xujey Soomaali ah oo ay kujiraan mas'uuliyiin Dowladda Federaalka  ka tirsan ayaa xalay gutay siyaarada Rowdada ee…

GudahaWararka
June 20, 2023

Dowladda oo mar kale ka digtay faafinta dicaayadda Khawaarijta

Dhuusamareeb (SONNA): Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS ayaa mar kale ku celisay digniin ku aadan faafinta dicaayadda Khawaarijta…

GudahaWararka
August 29, 2023

Caalamka oo xusay Maalinta Qaxootiga Dunida ee 20-ka June

Dalalka Caalamka iyo Qaramada Midoobay aya maanta u dabbaaldegay xuska maalinta Qaxootiga Dunida ee 20-ka June si kor loogu qaado…

Caalamka
June 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023