Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wax ka ogow qoddobada looga hadlayo shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho ka furmay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wax ka ogow qoddobada looga hadlayo shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho ka furmay
GudahaWararka

Wax ka ogow qoddobada looga hadlayo shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho ka furmay

By SB
Last updated: January 23, 2023
4 Min Read
Share

Mudisho(SONNA):-Shirweynaha Culimadda soomaaliyeed oo ka furmay maanta magaaladda Muqdisho ayaa qodobadda looga hadlayo waxa ka mid ah sidii dagaal adag loola geli lahaa kooxda khawaariijta arxanka daran,wasiir kuxigeenka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay madasha ku casuumeen in ka badan 300 oo culimo ah kuwaas oo isaga kala yimid gobolada dalka iyo qurbaha,wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la dhisi doono heya’adda culimadda soomaaliyeed isagoo xusay in heya’addan qiimo wey ugu fadhido shacabka soomaaliyeed.

Culimmada ka qayb gelaysa shirweynahan oo siyaabo gaar gaar ah ula hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in shirkan muhiimad weyn u leeyahay dalka iyo diinta sidoo kalena meel adag la iska taagi doono sidii dalka looga xorayn lahaa kooxda khawaariijta, Sheekh Cabdiqani Qorane oo kamid ah culimada ka qeyb galayso Shirka culimada Soomaaliyeed ee maanta ka furmay Muqdisho ayaa ka hadalay ahmiyadda shirka uu u leeyahay dalka.

Sheekha ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid uu Madaxaweynaha JFS horay ugu baaqay in loo qabto culimada Soomaaliyeed si looga hadlo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo wax ay shareecada islaamku ka qabto xukunka khawaarijta.

Qorane ayaa sidoo kale waxa tilmaamay in ahmiyada weyn shirkan u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed,kuna soo aday xili loo baahnaa madaama dalku uu ku jiro dagaalka ka dhan khawaarijta muhiimna ay tahay in bayaan wada jir ah culimada soomaaliyeed kasoo saraan xukunka khawaarijta iyo sidii dowlada iyo culimada laysugu xiri lahaa.

Sheekha Cabiqani ayaa sheegay in qoddobada culimada ay ka hadli doonaan ay kamid tahay diinta,dowladnimada iyo xiriirka ka dhaxeeyo,iyo in la dhiso Gole sare oo ay culimada ku mideeysan yihiin ahna dastuuri,si loo helo dal soomaaliyeed oo dowladdooda iyo culimadooda ay mideeysan yihiin wana shir ay u dhan yihiin guud ahaan culimada soomaaliyeed.

Sheekha Xasan jaamici oo isna kamid ah culimada soomaaliyeed ee ka qeyb galaya shirka culimada ee maanta ka furmaya muqdisho ayaa dul istaagay inay muhiim tahay in culimada soomaliyeed cadeeyaan dhaqanka guracan ee ay ku dhaqmayaan kooxda khawaarijtu in diinta islaamku aysan waxa sal ah ku lahayn culimadana bayaan wada jir ah ay ka soo saran.

” Mareykan ayaa uga imid ka qeyb galka Shirka Culimada, ujeedkuna waa inaan hormuud u noqono la dagaallanka Fikirka Khawaarijta” sidaa waxa yiri Sheekha Xasan jaamici.

Sidoo kale sheekha ayaa tilmaamay in khawaarijtu saddex qoddob lagu cuuryaamin karo qeybna ka ah degaalka lagula jiro khawaarijta in fikira tagfiirka lala degaalamo in qaab Ciidan iyo dhanka dhaqaalaha loola degaalamo intaas hadeeysan culimada hormuud u noqoto ma shaqeeyn doonto shaqeyneyn.

Sheekha Xaan jaamic ayaa ka dhawaajiyay in maalmaha saddexda cisho ee shirku socdo intiisa badan diirada lagu saari doono sidoo kalena la daraaseeyo asbaabaha keenay fikirkaan xag jirka ah ee qalddan, in laga doodo xalka ugu sahlan ee arrintaa laga gaari karo uu noqon kara culimada in ay ka doodo kadibna ay soo saraan bayaan sal u noqon karo howlgalka ay dowladdu ku jirto,lana waa fajiyo Shareecada islaamka.

Sheekha aya mar la weydiidayay su”aal ahayd in culimada qaarkood ay ka gaabiyeen ka hadlida dhibatooyinka ee khawaarijtu geysato ayaa sheegay in culimada dibadda ay ka hadleeyn balsa ay jiraan culimo arrintaa ka gaabisay islamarkaan ay rajeeynayaan in Culimadaasi ay ku soo biiran shirka socda.

Sheekh Cabdulqaadir Soomoow oo ka mid ah Culimadda waaweyn ee dalka ayaa isna yiri“Waxa aan maanta isugu imaanay waa inaan gudano waajib diini ah oo ah difaaca diinteenna suubban ee ay kusoo duuleen khawaarijta ka been sheegeysa,Sidoo kale Waa in aan ogaanaa in ciidamada Qaranka ee Jihaadka ku shahiiday waa dhinteen aan la dhihi karin ee waa Shuhado”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

RASMI: Anwar Sayid Cali (Shakunda) oo heshiiska u kordhiyey Kooxda Elman… + SAWIRRO.

Muqdisho(SONNA)-Ciyaaryahanka lagu magacaabo Anwar Sayid Cali (Shakunda) ayaa kooxdiisa Elman u saxiixay heshiis cusub oo ku sii joogi doono Kooxdiisa…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Jarmalka

Muqdisho(SONNA(:-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Magaalada Washington DC ee Dalka Mareykanka kulan muhiim ah waxa uu…

GudahaWararka
October 27, 2024

Ciidanka Boliiska oo ka hortagay dhagar kooxda Daacish u soo maleegeen shacabka Soomaaliyeed

Nuqdisho(SONNA):-Ciidanka Hoggaanka Baarista Dambiyada dowlad goboleedka Puntland ee katirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hor tagay dhagar ay kooxda Daacish…

GudahaWararka
November 20, 2023

Safaaradda Mareykanka ee Ciraaq oo digniin u dirtay muwaadiniinteeda jooga Ciraaq

Muqdisho(SONNA) Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay digniin ugu dirtay Muwaadiniinta Mareykanka ah…

Wararka
January 24, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023