Muqdisho (SONNA) Kooxda khawaarijta Al-shabaab ayaa hada xaladoodu mareeysaa heer gaba qabo ah iyadoona geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay khawaarijtu ka sareeyn degaanno badan oo katirsan goboladda shabeellada Dhexe,sheellaha Hoose, hiiraan iyo gobolada Mudug iyo Galgaduud halkaa oo ay argagixisada muddaย ku dhibateen jirta shacabka.
In kabadan 2000 (Laba kun) oo Maleeshiyaad ah ayaa 8 dii biloodeed ee la soo dhaafay kooxda looga dilay dagaallo ka dhacay jihooyin kala duwan kuwaasi oo Khawaarijtu ay kala kulmeen Ciidammada Qalabka Sida Soomaaliya iyo dadka deegaanka.
khawaarijta dhibaato badan ayey ku hayeenย shacabka degaannada laga xoreeyay, kuwaas oo isugu jiray dillal barer ah, dhac joogta ah, burburinta goobaha cibaadada iyo in ay si qasab ah ay ku askareeyaan carruuta, dhibatooyinkaasi oo isbiirsaday ayaa keentay dadkii degaannadaasi inay iska diidaan gumaadka ay khawaarijtu muddo dheer ku heysay.
Argagixisadu marka laga yimaado ficillada gurracan oo ay kula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed ee dilka, gumaadka, qaraxyada iyo baadda ah ee ka hor imaanaya diinta islaamka waxaa u dheer beegsiga dugsu qurโaanka goobaha tacliinta lagu barto iyo xarumaha taarikhiga ee raad-raaca u ah diinta, dhaqanka iyo Sooyaalka ummadeed, taas oo lagu fasiray isir baabiโin ama aasidda taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waxaana la fahansan yahay inay ku lug leeyihin gacmo shisheeye oo la diriraya sooyaalka ummaddan ee facaweyn.
Khawaarijta ayaa hada ku soo aruuray inn weeraro gaadmo ah aya ku qaadaan ciidamada dowladda kuwaa intoodaban ciidanku fashilyeen ,waxana wali ciidamada xoogga iyo xoogagga kacdoonka degaanada qaara ay ka wadaan howlagallo khawaarijta melaha ay ku dhuumaleysanyaan looga xoreeynayo.