Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ceeldheer Noloshii ka socotay, Khawaarijtu waxay u rogeen Bur-bur,cidlo iyo cabsi (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ceeldheer Noloshii ka socotay, Khawaarijtu waxay u rogeen Bur-bur,cidlo iyo cabsi (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Ceeldheer Noloshii ka socotay, Khawaarijtu waxay u rogeen Bur-bur,cidlo iyo cabsi (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 22, 2023
7 Min Read
Share

Degmada Ceeldheer waxay ka mid tahay Dagmooyinka ugu qadiimisan Gobalka Galgaduud waxayna dhacdaa dhinaca waqooyi bari ee gobalka, waxay 18 Km u jirtaaย xeebta Mareeg ee Badweynta Hindiya, waxaana markii ugu horreysay la soo degay sanadkii1937-kii kadib markii dadkii deganaaMareeg oo aheyd magaalo taariikhi ah ay ka soo guureen dagaalkii labaad ee aduunka kadib kolkaas oo Talyaaniga iyo Ingiriiska uu dagaal dhinaca badda ah ku dhex maray Mareeg.

Madaxdii gumaystihii Talyaaniga ayaa ku booriyay in dadkii ku noolaa Mareeg ay ka guuraan kuwaasi, oo marka laga reebo Talyaaniga isugu jiray Hindi, Carab iyo beelo kale oo Soomaaliyeed, Hindidii iyo Carabtii ayaa u hayaameen magaaloyinka Cadale, Xamar iyo Baraawe, halka reer Mareegii asalka ahaana ay u soo baqooleen dhinaca deegaanka Ceeldheer oo xiligaas ahaa meel ay ku yaaleen Ceelal oo kaliya, Sida ay sheegayaan dadka yaqaan taariikhda degmada Ceel-Dheer.

Magaalada Mareeg oo ahayd saldhigii sadexaad ee maamulkii Talyaanigaย dalka Soomaaliya ku lahaa ayaa ahaydย magaalo leh daaro qadiimi ah cimrigoodana lagu qiyaasay ilaa afar boqol oo sanadood & kuwo talyaanigu dhisayย kuwaas oo intooda baday weli ka taagan halkaas,waloow qaarkood aad u gaboobeen hadana waxaa weli bed qaba,ย Misaajidkii Sh Daโ€™ud Culusoow, Saldhigii Police ka, Xabsigi, Musawac,Xafiisyo, iyo guryo fara badan, Magaaladan oo ah mid ku dheresan xeebta mareeg ayaa weli waxaa ku dhaqan dad u badan kaluumaysato & xoolodhaqato….

Markaan u soo laabano habkii looga soo guurayMareeg Xaaji Maxamed Afrax Fareey ayaa ahaa Ninkii ugu horeeyay ee dhisme ka kooban guri & dukaan ka taago Degmada Ceeldheer, dad badan ayaa isla markiiba qaatay fikradii Xaajiga taas oo suurto galisay in ay Ceeldheer noqotay xarun ganacsi oo ay u soo dukaameysi tagaan tuulooyinka ku dhow dhow & dadka reer miyiga ah, waxaana dhamaan u soo wada guuray dadkii reer Mareeg oo nolol ka bilaabay halkaas, Sanadkii 1954-kii waxaa la sameeyay doorashadii golaha Odayasha.

Sanadkii 1954 Waxaa booqday Ceel-dheer wafdi uu hogaaminayo Muuse Boqor oo markaas ahaa Wasiirkii Arimaha gudaha Dowladdii ugu horreysey ee Soomaaliyeed ee Cabdulaahi Ciise madaxda ka ahaa waxaana dadkii la socday ka mid ahaa Daaโ€™uud Cabdule Xirsi oo ahaa sarkaal sare, Shir ay yeesheen waxgaradkii Ceel-dheer & Muuse boqor ayaa waxaa leysla meel dhigi waayay, qodabadii layku soo qaaday oo ay u horeysay in Ceel-dheer laga sameeyo maamul Degmo.

Sagootintii wafdiga Muuse Boqor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha isugu soo baxay dadweyne fara badan oo halkaas ka muujiyay sida ay uga xun yihiin in Muuse hor istaagay qorshahoodii ay ku doonayeen Degmonimo waxaana gabayga caanka ah ee ( Qoodhiinya xeradaa maxaa qadiyay Ceeldheer) ka tiriyay halkaas AUN Abwaan Jimcaale Dhega-taag

1962-dii waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay degmanimada Degmada Ceeldheer.Degmada Ceel-Dheer, dhaqaalaheeda waxa uu ku tiirsan yahay xoolaha nool, kaluumeysiga, beeraha oo inta badan ku xiran waraabka roobka iyo ganacsiga caadiga ah, Waxa ay Degmadu xarun u tahay barashada culuumta Islaamka waxana wax ku barta arday (Xer) ka kala yimaado gobalada dalka soomaaliya qaar ka mid ah waxaana gacanta ku hayo

  1. Shiikh Cismaan Shiikh Cumar Shiikh Daa’uud &
  2. Sheekh Caamir Sheekh Siciid Seekh Ibraahin Yare oo labaduba hayo goobo wax barasho oo la furay bartamihii qarnigii 18aad.

Degmada waxaa ku yaalย garoon Diyaaradeedย oo ay maalgalisay heyโ€™ada Talyaaniga ah eeย CISPย iyo madaxaย shirkada Alba Inj Cali Xuseen Maalin,ย waxaana si joogta ah u isticmaalo diyaarado u badan kuwa heyโ€™adaha gar gaarka oo todobaadkii sadex jeer agab isugu jira daawo & qalab caafimaad soo gaarsiiya labada cisbitaal ee degmooyinka Xarar- dheere & Ceeldheer, balse intaasi oo horumar iyo sii maalgalinta waxaa dhabarka ka jabiyay Kooxda Khawaarijta oo degmadaasi xoog ku qabsaday sanadkii 2010-kii, waxayna burbiriyeen dhammaan adeegyadii Bulsho, kuwaasi oo kala ahaa Isbitaalkii, goobihii Waxbarasho iyo adeegyo kale.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in Khawaarijta ay burburisay Masaajidka Jaamicii degmada Ceel-dheer, Burburinta masaajidka ayaa loo sababeeyey in kooxdu doonayso inaysan sii socon xalaqooyinka diiniga ah ee halkaas lagu aqri jiray, kuwaas oo dadka ka hor keenaya haddii ay fahmaan diinta Islaamka ee saxda ah, waxaana Deegaan walba oo laga saaray Khawaarijta sida, Masaajid Cali-guduud, Masagawaa iyo Ceel-dheer ayaa lagu arkay in masaajidda la burburiyey waqti hore oo aan mudada ay deegaanka caburinta ku hayeen lagu tukan.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab markii looga adkaaday dagaaladii ka socday gobolada dalka waxay ku soo aruureen in ay qarxiyaan masaajida, xaafado ay degan yihiin dad rayid ah iyo shirkadaha isgaarsiinta, marka Kani waa masjidka weyn ee degmada Ceeldheer oo toddobaadkan laga xoreeyay cadowgii cuuryaamiyay Alshabaab.

Muuqaalka masjidka ayaa soo koobaya wixii kooxdani aheyd iyo xumaanteeda dhan kastoo laga eego, Masjidkani ma aheyn oo kaliya meel lagu tukado ee lagu kala tago ee wuxuu ahaa madal cilmi iyo cibaado oo cammiran maalin iyo habeen, iyadoo In ka badan 500 oo xer ah ay ku baran jiray culuumta diinta, kuwaasi qaarkood ka yimaadeen magaalooyin iyo deegaanno ka durugsan Ceeldheer, si ay uga cabbaan darka culuumta diinta ee magaaladani caanka ku tahay.

Nololoshii, cilmigii iyo cibaadadii halkan ka socotay waxay argagixisadu u rogeen burbur, cidlo iyo cabsi, Haddii ay beydkii Alle sidan u kharaabiyeen, bal qiyaas qeybaha kale ee nolosha iyo dhaqanka bulshada?, waxay ahaayeen diirato arxan daran oo 13 sano oo ay halkan joogeen ku reebay xanuun iyo hurgumo weyn, marka waxa lagu arkay ama lagala kulmay ayaa ah โ€œAyax tag Eelna reebโ€, โ€˜blasรฉ waxaa la joogaa xilligii la dhayi lahaa dhaawacyadii ay argagixisadu ka tageen, lana baabiโ€™in lahaa afkaarihii qalloocnaa ee ay faafiyeenโ€™, sidaanna waxaa yiri Liibaan Cabdi Cali oo ka soo jeeda deegaankaasi.

โ€œSafar aan ku tagay magaalada masagawaay markii aan booqday xeradii sheikh caamir xaaji ibraahir yare waxaan ku soo arkay wax aad looga naxo waxaan rajeeynaa in dib loogu soo ciliyo sidi eey aheey inta eey san qabsan qawaarijtaย  23/04 / 2010โ€,sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Diyaariye: C/laahi Ruush

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Federaalka oo dardargelineysa tayeynta adeegyada caafimaadka dalka

Muqdisho.(SONNA):- Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa maanta xafiikiisa ku qaabilay…

GudahaWararka
May 24, 2025

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay maamulka sare ee xafiisyada madaxda Qaranka

Muqdisho,(SONNNA):- Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka sare ee xafiisyada Madaxweynaha, Xafiiska…

GudahaWararka
July 3, 2023

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo soo gabo gabeysay shir looga hadlayay horumarinta Beeraha Dalka

Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tababarka ku casuuntay Wasaaradaha Beeraha ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle, Koofur…

GudahaWararka
August 26, 2021

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga

Jowhar,(SONNA):- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulan diirada lagu saaray oo ay ka qeybgaleen…

GudahaWararka
October 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023