Muqdisho (SONNA) Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dilka Darawal Bajaajle ahaa oo saaka lagu dilay isgoyska degmada Howl-wadaag.
Talyaha ayaa sheegay in dhacdadan loo soo xiray tiro badan oo ciidamo ku sugnaa goobta, ayna socdaan baaritaan lagu oggaanayo dambiilaha geystay dilka, si loo horgeeyo Maxkamada.
Sidoo kale, Gaashaanle Mahdi ayaa Ciidamada ka howlgalla gobolka Banaadir uga digay dilalka dadka shacabka ah, taasi badalkeedana looga baahan yahay sugida iyo ilaalinta muwadiniinta Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, taliyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay is-dejiyaan, kuna kalsoonaadaan Sharciga, markii ay xaaladaha oo kale yimaadaan, si looga digtoonaado in ay dhashaan dhibaatooyin iyo burbur wadooyinka ah.