Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ciidamada Qalabka Sida ku boggaadiyay howlgalkii ay maanta ay Khawaarijta Al-shabaab kaga xoreeyeen deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.
Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in deegaanka laga xorreeyay Khawaarijta uu muhiim u yahay isku socodka deegaanno badan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland.
“Dowladda soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Alle uga mahadcelinayaan guulaha is xigxiga ee uu ku galladay iyo jabka ay gaarsiiyeen cadowga ummadda ee Khawaarijta.
Halganka looga xoreynaayo dhammaan deegaannada fara-kutiriska ah ee ay Khawaarijtu ku suganyihiin wuu socon donaa ilaa aan dadkeenna iyo dalkeenaba aan ka dulqaadno heeryada cadowga” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.