Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Khasaaraha la gaarsiiyey khawaariijta(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khasaaraha la gaarsiiyey khawaariijta(WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Khasaaraha la gaarsiiyey khawaariijta(WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 19, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Muddadii uu uu bilowday Dagaalka Khawaarijta oo ay iska wada kaashanayeen Ciidanka Qalabka Sida iyo Xoogagga Deegaanka ayaa waxaa lala wareegay  in ku dhow 50 Goobood oo isugu Jira Degmooyin iyo Tuulooyin waxaana ka mid ah:- Deegaannadaasi:- Moqokori , Tardo, Bukure, Ceel Hareri, Mabaax, Jiciboow, Booco, Beerxaano,  Ruun Nirgood, Mora ari, Xaawa Gadiid, yasooman, Aboorey , Xawaadley ,Masjid Cali Gaduud,  Nuur Dugle, Ceel Bacad,Hilowle Gaab , Cadaan Laxeey , Warta Dibi samatar, Aadan Yabaal, Guulane,Ceel dheere Buraale Wargaadhi,Ceel Baraf, Alkowthar, Geel Gub, Miir Taqwa, Cadaan Laxeey, Masagawaay, Galcad, Qaayib, Dhisiq Shurufle, Sinadhaqa, Ceelhuur, Faax, Maraay Suuleey, Ceeldheer, Xarardheere iyo kuwo kale.

Wararka laga helaayo Deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Qalabka Sida ay ku jiraan xaqiijinta Deegaannadii dhawaan lagala wareegay Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijta ah ee kala ah Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere haatan ay ka socdaan Xaqiijin amni iyo inay dib ugu laabtaan Deeggaanadooda Dadkii ka barakacayba, waxaana hadda ka bilowday nolol cusub, waayo waxay la‘aayee daryeel iyo Ammaan, waxaana lagu wadaa in looga sii gudbo inta ka harsan Gobolka Galguduud oo kala ah Deeggaanada hoos yimaada Degmooyinka Galhareeri iyo Ceel Buur, si loo soo gabagabeeyo Wajiga 1-aad, loona gudbo Wajiga 2-aad, si uu Iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in wajiga labaad ee dagaalka dalka looga xorreynayo khawaarijta uu ka bilaabanayo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ay leedahay hal cadow oo la yiraahdo Shabaab, dowladduna ay dalka oo dhan ka wado dagaal safmar oo guuleystay kaas oo magaalooyin badan looga xorreeyay khawaarijta “Barnaamij dagaal oo dalka looga xorreynayo khawaarijta ayaa dowladdu dajisay, wajigiisa koowaad ayaana gabogabo ah, wajiga labaadna halka ugu horreysa ee laga bilaabayo waa Koonfur Galbeed, waxaana laga xorreynaya dagaalka wajiga labaad laga soo bilaabo xadka Itoobiya illaa bad weynta oo ah dhul ballaaran ”.

Madaxweyna Xasan sheeg ayaa sheegay in siyaasadda dowladdu ay tahay in awoodda la isugu geeyo in dalka laga xorreeyo kooxda khawaarijta ee cadowga ku ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmamay in la isku furayo wadooyinka muhiim ah ee ay go’doomiyeen khawaarijta ee isku xira goboladda dalka, Mudane Xasan Shiikh oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- “haddii la isku furo wadooyinka xariiriya Muqdisho iyo koonfur galbeed oo laga saaro shabaab, lama ogolaanayo in isbaaro la dhigo, lama yeelayo, dadaalkii ugu dambeeyay ayaa socda oo ku aadan in dhamman dalka laga saaro shabaab, awooda iyo qorsha koowaad ee dowladdu waa in guud ahaan dalka laga sifeeyo khawaarijta “.

Dhinaca kale Wasiirk ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sh. Cadaala ayaa si weyn uga hadlay muhiimadda ku jirta in si wadareed loola dagaalamo Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijta ah, wuxuuna tilmaamay in hadda  kadib hirgalinta balanqaadkii Aadan Yabaal iyo Xarardgeere ee Khawaarij xoraynta, Madaxwaynuhu wuxuu sameeyay balanqaadka Koofur Galbeed, isagoo ka dhigay Wajiga Labaad ee halganka.

“Wiilasha iyo Gabdhaha geesiyaasha ah ee reer Koofur Galbeed waa markooda iyo fulinta Balanka Madaxwaynaha ilaah Idankiis, garab iyo gaashanna waxaa idiin ah Ciidamada Qaranka.Reer Koofur Galbeed waxeey haystaan fursad aanay haysan reer Galmudug iyo reer Hirehabeelle kuwaas oo ay ka mid yihiin:- 1- Khawaarijtii oo la tabartiray.2- baraarugga Bulshada Soomaaliyeed oo sareeya.3- Khibrad badan oo aad ka hesheen dagaaladii horay u soo dhacay. Iyo tan 4- kuwa guulaystay oo idin garab taagan hiilna idiin ah iyo arrimo kale”ayuu yiri Wasiir ku xigeenku.

Wasiir ku xigeenka oo nala wadaagay qoralkaan ayaa waxaa kaloo uu yiri:- “ Maanta, waxaa idiin soo gashay fursad aad uga aar goodan kartaan Khawaarijtii idin ihaanaysanaysay muddada Dheer, kuwii aad jeclaydeen idinka laysay, idnka hor istaagay in aad ku noolaataan dhulkiina Hodanka ah, ka faaiidaysataan Barwaaqada Dhulkiina, kuna noolaataan Nolol barwaaqo leh, una Cibaadaysataan si aan  cabsi lahayn. Hadaba, Indhuhu waxay soo eegayaan dhankiinna.Barabarkeey ka baxdaa waa bakayle qaleen ayay joogtaa. Agtiinna ayay taallaa. Guulaysta”.

Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalada lagula jiro Khawaarijta ayaa sheegaya in Inta la xaqiijiyay 49 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoos tagta deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Geesiyaasha dadka deegaanka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa lagu beegsaday Khawaarij isku abaabulaysay dhul beereedka Sheekh Qaasim, iyadoo Maleeshiyaadka la laayay uu ku jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka mid ahaa kooxdii weerartay saldhigga Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanka Xawaadleey oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida la xaqiijiyey kooxda Khawaarijta ayaa halkaan waxay ku haysteen dhaawacyo badan oo iyaga ka mid ah, kuwaas oo horay ugu soo dhaawacmay dagaalada dalka looga xoraynayay,iyadoo xogaha la helay muujinayaan in khawaariijtu ku dhamaystireen dhaawacdii ay goobta ku haysteen, waxaana jirta in howlgalka inta uu socday Khawaarijta laga soo furtay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen, kuwaais oo uu ku jiro Gaari uu saaran yahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Marka ay dunidu fallaago ama Argagexiso la gasho 3 weji ayaa laga rabaa in lagu wajho:- Midda 1-aad  oo ah guluf dagaal oo Xorrayn. Wejiga labaad oo ah gacan ku heynta goobaha laga xorreeyay. Iyo kan Wejiga 3-aad oo ah  Xasilin, lana sameeyo dhismaha maamulka garsoorka, hey’addaha amniga, deegaanka iyo bixinta adeegga asaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, si ay bulshadu u dareemaan neecawda nabadda iyo in ay fallaagadii ka raysteen.

Haddaba marka ay jabeen Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug halkeey tahay inay u sii jeestaan?, ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa shewegaya in Khawaarijtu Horjooyayaashooda iyo Maleeshiyaadkooda ay ku wajahan yihiin deegaannu ka tirsan Maamul-goboleeyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, si ay sii wataan howlahoodii guracnaa, balse loogama hari doono, waxaana lagu kala furi doonaan dagaalada xoreynta wajigiida 2-aad iyo kiisa 3-aad, madama uu kii 1-aad uu gababa ku dhow yahay.

Diyaarintii C/Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup

Nairobi, (SONNA) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo Jowhar ka daah-furay mashruuca Biyo xireenka Sabuun

Muqdisho.(SONNA):- Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Jowhar ee xarunta…

GudahaWararka
June 5, 2024

Dibad-baxyo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo ku xigeenkiisa oo ka socdo qeybo ka mid Galmudug “Sawirro”

Dibad-baxyo nabadeed oo lagu taageerayo doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa ka socoto maanta Magaalooyin ka tirsan gobolada dhexe ee…

Wararka
February 3, 2020

Shaqaalaha Caafimaadka Ee Dalka Suuriya Oo U Dhimanaya COVID-19

Muqdisho (SONNA)-Hey’adda xuquuqda aadnaha ee Human rights watch ayaa maanta sheegtay in shaqaalaha caafimaadka dalka Suuriya ay u dhimanayaan cudurka…

CaalamkaWararka
September 2, 2020

Masar oo muwaadiniinteeda kala baxday gobolka Tigreega ee Itoobiya

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay ku guuleysatay inay kala soo baxday 9 qof oo ka mid ahaa muwaadiniinteeda kuna go’doonsanaa…

Wararka
November 19, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023