Muqdisho.(SONNA):- Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa bur buriyay Masaajid Jaamicii degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay muddo badan gacanta ku hayeen.
Burburinta masaajidka ayaa loo sababeeyey in kooxdu doonayso inaysan sii socon xalaqooyinka diiniga ah ee halkaas lagu aqrin jiray, kuwaas oo dadka ka hor keenaya hadii ay fahmaan diinta Islaamka ee saxda ah.
Deegaan walba oo laga saaray Khawaarijta sida Masaajid Cali-guduud, Masagawaa iyo Ceel-dheer ayaa lagu arkay in masaajidda la burburiyey waqti hore oo aan muddada ay deegaanka caburinta ku hayeen lagu tukan.