MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa Caasimadda Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Jaaliyadaha ee dalka aan walaalaha nahay ee Yemen, Dr. Axmed Cawad bin Mubarak, oo booqasho rasmi ah oo seddex maalmood ahi uga bilaabatay dalkeena.
โDalka Yemen oo aan wadaagno xiriir qoto-dheer oo leh dhinacyada Dadka, Taariikhda, dhaqanka iyo dhaqaalahaba waxaan iska kaashanaynaa sidii aan usii xoojin lahayn xiriirkaas soo jireenka ahโ ayuu ย yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
wasiirka arrimaha dibadda oo dalka ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalka Yeman ayaa xusay inay ka wada hadli doonaan xariirka labada dowladood iyo qodobo kale oo muhiim ah.
โInta uu wasiir Dr. Axmed joogo dalkeena waxaan wada yeelan doonnaa wadahadallo la xiriira arrimaha labada dal. Sidoo kale wasiirku wuxuu booqan doonaa qaar ka mid ah xarumaha dowladda, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda qaarkood, ayuu yiriโ Wasiir Abshir Cumar Jaamac.