Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Jamhuuriyadda Turkiga
    January 28, 2026
    Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar
    January 28, 2026
    Xildhibaananada labada aqal ee BJFS oo maanta loo qeybiyey shintiriska wax ka bedelka Dastuurka cutubyadiisa 5-aad ilaa 9-aad
    January 28, 2026
    Wasiir Ayuub Ismaaciil: “ Israa’iil waxay u rogaysaa marinnadii ganacsi, goobo ay colaaddo ka jiraan, waana diidnay taas.”
    January 28, 2026
    Wasaaradda waxbarashadda XFS ayaa Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Siyaasadaha Macaahidda Shareecada Islaamka
    January 28, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “DADKA REER KOONFUR-GALBEED WAXAAN RABNAA IN AY WADA FARIISTAAN OO MUSHKILADAHOODA XALLISTAAN.”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “DADKA REER KOONFUR-GALBEED WAXAAN RABNAA IN AY WADA FARIISTAAN OO MUSHKILADAHOODA XALLISTAAN.”
GudahaWararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “DADKA REER KOONFUR-GALBEED WAXAAN RABNAA IN AY WADA FARIISTAAN OO MUSHKILADAHOODA XALLISTAAN.”

By Bile
Last updated: January 17, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed inay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.

Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30-kii sano ee la soo dhaafay ay inoo yihiin cashar nagu jiheynaya horumarka iyo nabadda, maanta halka cadoow ee aynu leenahay uu yahay argagixisada Alshabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee inoo furan.

“Dadka reer Koonfur-galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhabo iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur-galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan, si ay u dardar geliyaan xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka Soomaaliyeed.

“Hal cadow ayaan leenahay waana argagixisada Alshabaab. Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga Labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira fikirka gurracan ee argagixisanimada in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen argagixisadu.

TAGGED:MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “DADKA REER KOONFUR-GALBEED WAXAAN RABNAA IN AY WADA FARIISTAAN OO MUSHKILADAHOODA XALLISTAAN.”
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Jamhuuriyadda Turkiga

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay…

January 28, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dawladda hoose ee Xamar oo joojisay bixinta ruqsadaha Shirkadaha Forex Market Trading

Muqdisho-(SONNA)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa soo saaray Wareegto lagu mamnuucay bixinta ruqsadaha Shirkadaha…

Wararka
February 21, 2020

Maraykanka oo diiday warbixin Amnesty International ay ka soo saartay xasuuqa Gaza

Mareykanka ayaa diiday warbixin ay soo saareen hey’adda xuquuqul insaanka ee  Amnesty International ,taas oo sheegtay in ay jiraan caddeeymo…

Caalamka
December 6, 2024

Galmudug oo Ceel Biyood cusub ka hirgeliyay degaanka Dhidhin+Sawirro

Gaalkacyo-(SONNA)-Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyah ee maamul goboleedka Galmudug, Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa xarigga ka jaray Ceel biyood laga hirgeliyay…

GudahaWararka
September 30, 2021

Xaflad lagu maamuusaayey daahfurka xajka sanadkaan oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisgo.SONNA...Masuuliyiinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS iyo madax kale oo ka socday Shirkadaha diyaaradaha ayaa ka qeybgalay xaflad lagu…

Gudaha
May 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023