Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah
    July 23, 2025
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐ž๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐
    July 23, 2025
    Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD
    July 23, 2025
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐šqada XFS ๐จ๐จ d๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ m๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ lagu horumarinayo q๐จ๐ฒ๐ฌ๐š๐ฌ d๐š๐ง๐ฒ๐š๐ซ ๐š๐ก
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Khawaarijta oo Saddex Magaalo muhiim ah lagala wareegay(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta oo Saddex Magaalo muhiim ah lagala wareegay(WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Khawaarijta oo Saddex Magaalo muhiim ah lagala wareegay(WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 17, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dib u xorreynta degaanka ayaa si buuxda u la wareegay gacan ku heynta Magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Galguduud iyo ย Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug ah, waxayna Ciidamadu ay degaanadaasi ka wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga degaanadaasi,mana jirin wax iska hor imaad ah oo ciidamadu ay la kulmeen,kooxda khawaarijta.

Haddaan dib u jaleecno taariikhda Magaalooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere, aynu ku bilowno Magaalada Ceeldheer waxaa degmo ahaan loo magacaabay sanadkii 1963-kii, waxayna Muqdisho u jirtaa 320km, iyadoo markii hore la oran jiray Mareeg, kadibna loo soo wareegay deegaanka ay hadda ku taal, waxaana lagu xasuustaa waa meeha uu ku dhashay AUN Janeraal Daaud Cabdulle Xirsi, Cali Geeddi Shadoor oo laga soo dooran jiray Magaaladaasi sanadihii 60-meeyadii iyo masuuliyiin kale, waana Deegaan ku fiican dhinacyada Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumeysiga.

Magaalada Xarardheere waxay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee laga dhiso gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxayna Magaalada Muqdisho u jirtasa masaafo dhan 500km, waxaa iyada lagu xasuustaa waxaa ka soo jeeday AUN Madaxweynhii labaa ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Generaal Salaad Gabeyre Sabriye, Maxamed Saciid Ciyoow Gentelman oo deegaan doorashadiisu aheyd Xarardheere sanadihii 60-meeyadii iyo masuuliyiin kale, Magaaladaasi ayaa waxa uu dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay dhinacyada Xoolaha, Beeraha iyo Kalluneysiga.

La wareegiidda Magaalooyinka Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere waxaa ka hadalay Masโ€™uuliyiin badan, waxaana ka mid ahaa Madaxweynhii hore ee Maamul-goboleedka Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed, wuxuuna soo saaray qoraal uu ka hadlaayo Dib u xoreynta Deegaannadaasi, wuxuuna qoraalkiisa cinwaan uga dhigay โ€œXoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo maanta goโ€™ay.โ€ Taas oo uga hadlayo guulaha ciidamadda dowladda iyo la wareegista degmada Xarardheere.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in qabashada degmada Xarardheere ay tahay guul weyn โ€œGacan ku dhigista degmada istiraatiijiga ah ee Xarardheere ee gobalka Mudug waa talaabo muhiim ah oo wax weyn ka tareysa halganka ciribtirka kooxaha Argagaxisada ah.โ€.

Degmada Xarardheere waxay aheyd saldhig muhiim u aheyd kooxaha Argagaxisada, iyadoo aheyd xaruunta saadka iyo sahayda ay ka soo dajistaan, goob ay qaraxyada ka soo abaabulaan. sidaa daraadeed ka qabshadeedu waxay ka dhigan tahay โ€œXoonkii Al-shabaab ee bartamaha dalka Soomaaliya oo maanta la jarayโ€. Ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug.

Masโ€™uuliyiinta kale ee ka hadashay waxaa ka nid ah Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sh. Cadaala oo si qoto dheer uga hadlay, ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Xarardheere ay tahay magaalo fac wayn, kana mid ah magaalooyinkii ugu hor qaatay maqaamka Degmonimo Gobolada dhexe, waa magaalo leh Taariikh ilbaxnimo, isagoo intaasi raaciyay in ay ย jiraan arrimo dhawr ah oo ka dhigay mid ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan Xukunka Khawaarijta, waxaana loo arka in ay ku jirtay shanta Magaalo ee ugu muhiimsanaa Khawaarijta, isagoo sababeynaayana waxa uu qormadiisa ku sheegay.

Sababo badan ayaa jiray, balse waxaan soo qaadanayaa Dhawr qodob kuwaas oo mudan in loo iftiimiyo Bulshada.

1- dhoofiinta iyo soo dajinta dambiilayaasha.

Khawaarijtu waxa ay Magaaladaan u isticmaalijireen in ay ka dhoofiyaan kana soo dajiyaan dambiilayaasha Caalamiga ah kuwaas oo ka faaiidaysnjiray Dekadaha Nacmalka ah ee ku dhaw Magaaladaas kuwaas oo u sahlan in laga dhoofo lagana soo dago kuna furan Bad waynta India iyo Badda Cas Labadaba.

2- daabulista Hubka iyo Walxaha Qarxa.

Xarardheere sidoo kale waxeey Khawaarijta u ahayd goob ay u isticmaalaan isku gudbinta Hubka iyo Waxyaabaha Qarxa iyaga oo uga faaiidaysanjiray isla dakadahaas macmalka ah, sidaas awgeed waxeey u ahayd Marin aad muhiim ugu ah in ay helaan agabka Dagaal ee ay u baahanyihiin Khawaarijtu.

3- Askaraynta Caruurta.

Khawaarijtu isla Magaaladaan waxeey u isticmaalijireen uruurinta iyo askaraynta Caruurta ay kasoo qafaashaan qooysaskooda taas oo ka dhigaysay Xarardheere Xarun aad muhiim ugu ah Khawaarijta gaar ahaan soo saarista Bini-aadamka ay Khawaarijtu u badashay Bambooyinka Qarxa.

4- cabsi galinta Qabaailka.

Maadaama Xarardheere tahay Magaalo Kulmisa Qabaail badan, Khawaarijtu waxeey u isticmaali jirtay Magaaladaan in ay ku kulmiso kuna cabsi galiso Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Deegaanka iyaga oo markasta halkaas ku gudbin jiray fariimaha Cabsi galinta ah ee beelaha ay u dirayeen.

5- Xoolaysiga Khawaarijta.

Xarardheere, waa Magaalo Kulmisa, Xoolo dhaqato, Beeraleey iyo Kaluumaysato sidoo kale waxaa Magaalo ahaanteeda ku tiirsan dhul aad u balaaran oo dad farabadan ku noolyihiin, sidaas awgeed, Khawaarijta waxa ay u ahayd hal Bawle dhaqaale oo ay ka helaan Baad aad u badan.

Isku uruurinta Qormadayda, Khawaarijtu in ay lumiyaan Xarardheere waxeey ku tahay dhabar jab baaxad leh, waxaana ka xirmaya Marinkii ugu waynaa ee kala gudbinta Hubka iyo Dambiilayaasha, waxeey luminayaan il Dhaqaale oo aad u wayn, waxeey luminayaan Warshad wayn oo soo saarijirtay biniโ€™aadamkii bambaanooyinka noqday, waxaa gacantooda ka baxaya Tobaneeyo Qabiil oo xornimadoodu saamayn ku leedahay dhul Balaaran iyo ugu danbayn waxeey tani siibaysaa Xidiidkii Khawaarijta ee Gobolada dhexe oo dhan.

Dib u xoraynta Degmada Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad waa guul kale oo taariikhi ah, Guushaasina Ciidamada Qalabka Sida iyo Xoogagga difaaca bulshada ay ka soo hooyeen bilihii la soo dhaafay deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxa ay ka dhigan tahay in awooddii hogaamineed ee Khawaarijta, siyaasad, dhaqaale iyo ciidanba uu burbur weyn soo gaaray, ย sidoo kalena ย waxa ay guulahaasi marqaati u yihiin sida wada shaqeynta xukuumadda iyo bulshada Soomaaliyeed, iyo hirgelinta siyaasadda cunaqabataynta dhaqaale, dagaalka xagga fekerka iyo warbaahinta (Istiraatiijiyadda Burburinta Cadawga) ee Khawaarijta lagu qaaday ay kaalin mug leh uga qaateen guusha millatari ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Khawaarijta oo laga nadiifiyo Hirshabeelle iyo Galmudug ay uga dhigan tahay sidii kalluun biyo waayay, sida uu horey u sheegay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waxayna Khawaarijtu lumiyeen 3 Magaalo oo muhiim ah muddo 8 saacadood gudahood ah.

Diyaariye C/laahi Ruush

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood

Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Dubo…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la qaatay madaxa xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee (UNSOM)

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay madaxa Xafiiska…

GudahaWararka
February 4, 2023

Taliyaha Ciidanka Militariga Talyaaniga oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho(SONNA):-Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ahna ku simaha Taliyaha CXDS, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan…

GudahaWararka
May 29, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay safiirrada dalalka, Faransiiska, Netherlands iyo Slovakia

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka,…

GudahaWararka
January 14, 2023

Cabdi Xaashi oo kusoo baxay doorashada Aqalka sare

Muqdisho-(SONNA)-Senator Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyay ee laga doortay Hoolka Afisyooni. Siciid Cumar Xuseen oo ahaa murshixii…

GudahaWararka
September 29, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023