Ceel-dheer-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay Ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka la wareegeen degmada Ceel-dheer, kuna sii wajahan yihiin degaannadii ay u firxadeen khawaarijta.
Shalay ayay ahayd markii Ciidanka xoogga, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanku ay khawaarijta nabad-diidku kala wareegeen degmada qadiimiga ah ee Xarar-dheere iyo Gal-cad.