MUQDISHO-(SONNA)-Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan la yeeshay guddiga qaran ee la dagaalanka lacagta sharci-darrada iyo maalgelinta argagixisada.
Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka warbixin ka siiyey howlaha iyo qorshaha hortabinta leh ee Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada iyo dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya ee khawaarijta Al-shabaab.
Kulankan waxaa ka soo qeyb galay xubnaha Guddiga Qaran ee heer Wasiir iyo hey’adaha dowladda ee wadashaqaynta la leh guddiga.