MUQDISHO-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan looga hadlayay Amniga caasimadda iyo dardar gelinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Salax Axmed Jaamac ”Waxaan ku boorriyay saraakiisha Amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir inay laban-laabaan dedaallada sugidda Amniga, Isla markaana feejignaan dheeri ah muujiyaan inta laga sifaynayo Argagaxisada guud ahaan dalka.”