Tunisia (SONNA) Agaasimaha Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta, Mudane Cabdul Raxiim Suleymaan, ayaa shaaca ka qaaday in Idaacadda iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed laga cafiyay dhammaan deymihii hore ee Ururka.
Ka-dhaafitaankan ayaa yimid kaddib 42-kii shir ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Carabta, kaasoo shalay laga soo saaray goโaan la xiriira cafiska deymaha lagu leeyahay Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay.
Agaasimihii ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka soo qeyb galka Wafdiga Soomaaliya ee Shirarka Golaha Guud ee Warbaahinta Ururka Midowga Carabta oo ka dhacay Magaalada Tunis ee Caasimadda Dalka Tunisia oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane. Sharmaake Maxamed Warsame.
Mudane Cabdul Raxiim Suleymaan ayaa ku nuux-nuux saday sida ay Midowga Yurub u jecel yihiin in Soomaaliya ay xubin firfircoon ka noqoto howlaha Ururka, isagoo dhanka kale carabka ku adkeeyay in Ururku uu mar walba isku dayo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan leh.
Waxa uu tilmaamay in midawgu uu ka rajeynayo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya si loo horumariyo xirfadda iyo tayada xirfadlayaasha Soomaaliyeed.