Muqdisho (SONNA) Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga labaad kulankiisa 10-aad ku yeeshay xarruunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa guddoomiyay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow .
Ajendaha kulanka ayaana ahaa:
1.Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman
2.Akhrinta 1-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.
3.Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.
Ugu horreyn, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Cali“Xagaa’ ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka.
Intaasi kadib, Xildhibaannada ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, kadib Guddoomiye ku-xigeenka 2aaad ee golaha shacabka ayaa xogheynta Golaha faray in sharcigaan lagu wareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha si ay ugu soo diyaariyaan akhrinta labaad ee sharcigaaan.
Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa dood adag ka yeeshay Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka BJFS ayaa cod galiyay sharcigaaan waxaana u codeeyay 140 Xildhibaan waxaana diiday 3 xildhibaan wax ka aamusayna majiro.
Intaas kadib Wasiirka Wasaaradda arimha Gudaha XFS 𝗠𝘂𝗱𝗻𝗲 𝗔𝘅𝗺𝗮𝗱 M𝗮𝗰𝗶𝗹𝗶𝗻 F𝗶𝗾𝗶 ayaa Mudunayaasha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha, Waxa uuna sheegay in muhiimad weeyn uu u leeyahay dalka sharcigaan Xildhibaanadana looga baahanyahy in ay meel mariyaan.
Ugu danbeeyntii Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗖𝗮𝗯𝗱𝘂𝗹l𝗮𝗮𝗵𝗶 𝗖𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗔𝗯𝘀𝗵𝗶𝗿𝗼𝗼𝘄 oo shir Guddoominayay kulanka ayaa Xoghaya Guud ee Golaha shacabka faray in uu sharciga ku wareejiyo Guddiga Arimaha guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS, Intaas Kadib Guddoomiye Abshirow ayaa kulanka soo xira.