Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyey dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, guulaha la taaban karo ee laga gaaray iyo marin habaabinta dhalinyarada ay Khawaarijtu qaladay.
Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay in deegaano badan laga saaray Khawaarijta oo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, wuxuuna hadalkiisa intaas ku daray in goobaha fara ku tiriska ee hadda ay ku harsan yihiinna lagu wajahan yahay.
Sidoo kale, Cali Jeyte ayaa qiray in waxa ay ku dhimanayaan carrtuurta la qalday ee Khawaarijta u dagaalama ay been u sheegeen, kuwii soo dirayna ay dan gaar ah ka leeyihiin.
“Carruurta ay qaldeen khawaarijtu waxay ku dhimanayaan been, aaway kuwii soo diray ee jannadda u sheegay,ย Shayaadiintu wey ogyihiin waxay sheegayaan oo dhan in ay been tahay, ilmaha yar yar ee xaafadaha laga soo uruuriyey ee aan diinta wax ka aqoon ee beeraha iska falanaya ama geella ilaalin jiray quraafaad ay u sheegeen ayey ku dhimanayaanโ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Mr. Jeyte ayaa tilmaamay in horjoogayaasha Khawaarijta ay yihiin beenaalayaal meesha u joogo dan gaar ah, carruurtoodana u ogoleyn in ay dagaalamaan, kuna nool yihiin dibadaha, waxna ku baranayaan.