MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa xafiiska Ku qaabiley Wefdi ka socday Hey’adda MSF.
Wefdiga ka socdey MSF ayaa warbixino ku saabsan wadashaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradda u gudbiyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo kaalinka ay ku leeyihiin horumarinta qeybta Caafimaadka Soomaaliya.
Xubnaha ka socday Hey’adda MSF ayaa sidoo kale xusay in ay gacan ka geysan doonaan Barnaamijyada lagu horumarinayo Caafimaadka maadaama Bulshadeenu u baahan tahay adeeg Caafimaad oo buuxa si loo hello barnaamijka xalka waara ee qeybta Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa ugu dambeyn isla gartay in dib loo cusboonaysiiyo heshiiska iskaashiga iyo sidoo kale in la xoojiyo adeegyada laga fulinaya deegaanada ay baahida Caafimaad ka jirto, iyo in loo gudbo meelaha ay adag tahay in lagaarsiiyoย taageerada Barnaamijyada Caafimaad ee luugu talagaley dadka qaba baahiyaha Caafimaad.