Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Hon. Jibril Abdirashid Haji, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Danjiraha dawladda Turkey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mehmet Yilmaaz oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo dhammeytirka heshiiska TEPA ee Soomaaliya iyo Turkey si dheeli-tir ganacsi loogu sameeyo ganacsiga u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Turkey.
Waxa kale oo ay ka wada hadleen dhiiri-gelinta Maalgashiga iyo siddii ganacsatada iyo Maalgashadayaasha Turkey gu ay ugu soo dhiiran lahaayeen Maalgashiga Soomaaliya iyo weli ba sidoo kale siddii isku xir loogu samayn lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh wadamada caalamka.