Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan
    June 9, 2026
    Aqoon-isweydaarsiga Qaran ee Barnaamijka Xusuusta Dunida ee UNESCO oo la Soo Xiray
    June 8, 2026
    Ciidamada ammaanka oo Hotel Elite ee Muqdisho ku soo bandhigay hub kala duwan
    June 8, 2026
    Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah
    June 8, 2026
    Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca
    June 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Khasaaraha gaaray Khawaarijta kadib Billo ay wajaheen dagaal adag (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khasaaraha gaaray Khawaarijta kadib Billo ay wajaheen dagaal adag (Warbixin)
GudahaMaqaalladaWararka

Khasaaraha gaaray Khawaarijta kadib Billo ay wajaheen dagaal adag (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: January 7, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Maleeshiyada Khawaarijta ah ee gabalkoodu sii dhacayo Khasaarihii ugu badnaa ayaa lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee lagula galay qaybo ka mid ah goballada Hiiraan,Shabeellaha dhexe,Shabeellaha Hoose, Mudug iyo Galgaduud.

Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu khawaarijta ku gaaray dagaalo ka dhacay labada gobal ee Hirshabeelle, markii ay is wajaheen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo kuwa ku naaxay dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee Khawaarijta.

Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo Khawaariij ah Lixdii bilood ee u dambeysay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanka Qaranka ayadoo isla howlgalladaasi sidoo kale lagu dhaawacay in kumaan kun oo Maleeshiyaad ah.

Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay in qaar ka mid ah maleeshiyada oo ay soo gaareen dhaawacyo cul culus ay Khawaarijtu si arxan la’aan ah ay u dhamaystireen.

Dad goob joogayaal aha ayaa inoo dheegay in dhaawacyo badan oo ay dhammaystireen ka dibna ay ka gaari waayeen inay aasaan, ayagoo ka baqdin qaba in ciidamada Qaranku ay ku soo gaaraan ay dantu ku qasabtay inay Qaraxyo ku baabi’iyaan si aanan loo arag jabkooda.

Marka laga soo tago howlgallada tooska ah ee ciidanka Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku jabiyeen Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab waxaa sidoo kale Khawaarijta lagu beegsaday dhul howd ah oo ay naadir la ahayd in loogu tagi karo.

Ilo wareedyada aan helnay waxa ay xaqiijiyeen in Maleeshiyada Khawaarijta markii laga laayey maleeshiyaadkii u dhashay deegaannada gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ay labadaasi gobol keeneen maleeshiyaad aan deegaanka kala aqoon kuwaasi oo  kasoo kala jeeda gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Tiradan dhimashada ah ee khawaarijta Al-Shabaab loo geystay bilihii ugu dambeeyey ayaa ka dhigan in kooxda uusoo gaaray jabkii ugu weeynaa ee abid soo gaara intii ay xoogga ku heysteen gobollo ka mid ah koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya .

Kadib duleyn ay dhowr iyo toban sano ku hayeen dadkeennu kooxda Khawaarijta ah hada waxa ay ku jirtaa dhammaadka maalmihii ugu dambeeyey ee jiritaankooda ayadoo gacantooda laga bixiyey deegaanno iyo magaallooyin ka badan 50 , meelaha ay hada ku harsan yihiinna waxa ay ku joogaan wel wel tiiyoo ay usii dheer tahay kala shaki xooggan oo ka dhex jira horjoogayaasha ugu sareeya Khawaarijta Al-Shabaab.

Dhinaca kale Dowladda Mareykanka ayaa ku yaboohay lacago la siinayo ciddii soo sheegta xogta Macallin Ayman iyo dhagar qabayaal kale, Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Dalka Maraykanka oo ay maamusho Hay’adda Nabadsugidda, ayaa sheegtay in ay abaal-marin lacageed oo dhan 10-Milyan oo Dollar ku bixineyso cid kasta oo keenta xog lagu soo xiri karo ama lagu ogaan karo halka uu joogo Macallin Ayman iyo saraakiil kale. Ninkaasi ayaa lagu eedeeyay in uu  maleegay ama gacan ka geystay fulinta weerarkii argagixisanimo ee Janaayo 5, 2020 ee lagu qaaday shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee xilligaasi ku sugnaa garoonka Manda Bay Airfield ee Dalka Kenya.

Waa Nin Ceynkee ah Macalin Ayman?  waa hogaamiyaha Jaysh Ayman oo ah unug ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo weeraro argagixiso ka wada Kenya iyo Soomaaliya, waxaana Ayman  mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020-kii Bishii Noofambar ee 2008, waxayna Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka u aqoonsatay Ayman inuu yahay argagixiso caalami ah, waxaana uu weerarkaan oo dhacay subaxnimadii hore Janaayo 2020-kii, ayaa Khawaarijta Al-Shabaab waxa ay ku dileen askari Maraykan ah iyo laba qandaraasle oo ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka, waxayna dhaawaceen laba kale oo ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo mid saddexaad oo qandaraasle ah.

Garoonka Manda Bay Airfield waa qeyb ka mid ah saldhigyada ciidamada Difaaca Kenya oo ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Mareykanka si ay tababarro iyo taageero la xiriirta wax ka qabashada dhibaatooyinka, iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee gobolka u siiyaan la-hawlgalayaasha Bariga Afrika, iyadoo Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bishii Maarso 2008-dii Khawaarijta Al-Shabaab u aqoonsatay Urur argagixiso oo  caalami ah.

SONNA Editorial

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii…

June 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka oo shir uga qaybgalaya Kenya

Nairobi (SONNA): Maareeyaha guud ee hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed mudane Axmed Macalin ayaa magaalada Nairobi uga qeyb-galay kulanka guddiga maamulka…

GudahaWararka
February 25, 2025

Wasaaradda qorsheynta XFS oo fartay hey’adaha gargaarka ee mashaariicda ka fuliya dalka inay si buuxda ugu soo wada guuran

MUQDISHO-(SONNA)-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha  ee Xukuumadda federaalka ayaa ayaa fartay hey’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee mashaariicda ka…

GudahaWararka
January 30, 2023

Ciidanka badda Maraykanka oo badbaadiyay shaqaale Markab xamuul ahaa

Ciidanka Badda Maraykanka ayaa Arbacadii shalay badbaadiyay 15 shaqaale oo la socday Markabka Falcon Line oo ka diiwaan gashan waddanka…

CaalamkaWararkaWargayska
June 10, 2021

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Ciidanka Xoogga ee ku sugan furimaha hore ee Dagaalka Bariga gobolka Galgaduud

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan aagaga furimaha hore  ee dagaalka ayaa halkaas kula…

GudahaWararka
September 4, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023