Muqdisho-(SONNA)-Wixii ka dambeeyay markii Khawaarijta lagala wareegay in ka badan 50 magaalo oo ka tirsan Gobollada dalka, waxaa Khawaarijta soo wajahay wal wal xoog leh, ayagoo ka cabsi qaba in maleeshiyaadka ay qaldeen ay ka baxaan gacanta horjoogayaasha dhiigya cabka ah.
Xogo ay heshay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in horjoogayaasha Khawaarijta ay amaro ku soo rogeen meelaha ay wali haraadiga ku yihiin, waxaana ammaradaasi ka mid ah.
- In la joojiyay isku socodka Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee deegaanada ay markii hore isaga gudbi jireen. Amarkaan ayaa ka dhaqan galay, magaalooyinka Saakow, Kuunyo Baraow, Jilib iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobalka Mudug.
Horjooge lagu magacaabo Buqaari oo kooxda u qaabilsan Maleeshiyaadka dabagalka oo ay ugu yeeraan Kooxda Mutaabacada, toosna uga amar qaata Horjooge Axmed Diiriye ayaa la sheegay in dhammaan horjoogayaashii kale iyo maleeshiyaadka uu amar ku siiyay qof kasta oo ka baxaysa Magaalooyinka Saakow iyo Jilib inuu haysto warqad ogolaansho ah oo ay magaalada uga bixi karaan, sidoo kale wuxuu amray in labadaan magaalo aysan qofna soo gali Karin, taas oo muujinaysa inta ay la egtahay cabsida soo wajahday Khawaarijta.
Illo ka tirsan Sirdoonka Qaranka ayaa dhanka kale inoo sheegay in cabsida iyo kala shakiga soo kala dhexgalay Khawaarijta uu sababay in wax ka badan shan goobood ay u kala xayiran yihiin Horjoogayaasha Khawaarijta ayna awoodi la’ yihiin inay hal meel isugu yimaadaan.
Deegaano ka tirsan gobalka Mudug oo si weyn uu uga soo ifbaxay khilaafka Khawaarijta oo markii dambe gaaray inay dhexdooda dagaalamaan ayaa horjoogayaasha ku xayiran oo aan ogaanay waxaa ka mid ah: Horjooge Xuseen Cali Fiidow, Horjooge Cali Ibraahim Geesay “Cali Rooti” horjooge C/laahi Jeeri iyo kuwa kale.
Halka Kuunyo Barow oo ka tirsan Shabeellaha hoose ay iyana ku xayiran yihiin Khawaarij Aadan Suno oo dhawaan u galay khawaarijta gabalkoodu sii dhacayo, Horjooge Xasan Afgooye iyo horjoogyaal kale.
Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed, ayaa Khawaarijta markii ay ka saareen guud ahaan degmooyinka Gobalka Shabeellaha Dhexe iyo qaybo badan oo ka mid ah Gobalka Hiiraan, ayaa hadda waxay gudbeen Gobalka Galgaduud. Waxaana ka go’an Ciribtirka Khawaarijta.