Abu-dhabi-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqday Isbitaalka Ciidanka Qalabka sida ee Dowladda Imaaraatka Carabta, halkaas oo lagu dabiibayo qaar kamid ah dhaawacyadii ugu cuslaa ee Qaraxii Zoobe-2.
Wasiirka ayaa intuu ku guda jiray booqashada bukaannada wuxuu u kuur galay daryeelka caafimaad ee ay heleen dhaawacyada mudadii la dabiibayay.
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Dowladda Imaaraatka Carabta daryeelka hagar laโaanta ah ee ay u fidiyeen dhaawacyada dadkii Soomaaliyeed ee ku wax yeelloobay qaraxii Zoobe-2.