Imaaraatka-(SONNA)-Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi.
Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxda Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.
Wasiir Cabdiqaadir ayaa inta uu joogo Imaraatka waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dalkaas, oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada Dal iyo arrimo kale.