Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho
    February 3, 2026
    Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo
    February 3, 2026
    Wasiirka caafimaadka oo Geneva uga qaybgalay shirka guddiga fulinta hay’adda WHO
    February 2, 2026
    Wafdi ka socda wasaaradda warfaafinta oo lagu soo dhaweeyey Birmingham UK
    February 2, 2026
    Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray kulanka Guddiga Difaaca
    February 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)
Maqaallada

Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Tobanaan sano oo gumeysi iyo gumaad shacab ah kadib, dadki Soomaaliyeed way kaceen, waxayna isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxay iska diideen in ay goradda laaladiyaan oo gunnimo geeri ku sugaan, waxa ay garwaaqsadeen in qof walba oo Soomali ahi uu geeri ku xakumanyahay, kii dhuunta iyo kii dheeradaba. waxay gowsdanbeedka ku qabsadeen xaqa nafdaafacaย  ee ay diinta suuban siisay.waxayna goโ€™aansadeen in ay ilaashadaan daruuriyaadka shanta ah ee ay diinta islaamka ilaalisay . In ay ilaalsadaan diintooda la suurad xumeeyay,ilaashadaan naftooda sabab laโ€™aanta lagumaadayo, ilaashadaan caqligoodan dhaqidda iyo marinhabaabinta lagu wado ilaashadaan sharafkoodan la duugay, ilaashadaan maalkooda lagu dilayo midka kale ee walaalkooda ah.

Waxaa hubka qaaday duqow iyo daโ€™yarba, waxaana guntiga dhiisha isaga dhigay ganbooleeyda oo guubaabo iyo garab istaagba u tegay goobaha dagaalka. Waxaa dhiirradey oo ka dhiidhiyay dhiigga dadkooda ka qubanayo dhallinyaro, kuwaas oo safaf dhaadheer ugu jira kubiiridda Ciidanka Xogga Dalka, si ay dadkooda uga dhiciyaan dhiiglaawayaasha dhameeyay.. Sidoo kale, waxaa kacdoonkan codkooda ku biiriyay cullimo iyo cuqaal iyaga oo caddeeyay inuu xaq yahay dagaalka argagixisada lagula jiro.

Kacdoonkan la isaga fujinayo shlinta dhiigga dadkaย  jaqeysa waxaa hogaaminaya Madaxwaynaha dalka, oo geed kasta ka sheegay in argagixisada shabaab la iska dhiciyoย  lana dagaalamoย  dagaal dhankasta leh, waxa uuna cod adag ugu digay dadka Soomaliyeed ee cabsida ku bixiya lacagaha baaddaย  ah, isagoo yiri โ€œ cudur daar aduunyo iyo mid aakhiraba ma lehย  in aad Shabaab dhaqaalo siiso. In aad qarisoย  iyo in aad ka baqdaba. Sow lagama yaabo,ย  dadka lacagta dhiibayowย  in dadka la laynayo ay ku jiraan walaalihiin, wiilashiinna, gabdhihiina iyo kuwa aad jeceshihiinba?!”

Dadka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba waxay isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxaana ku daateen dhiiigg qiima leh oo ay si naftii hurnimo ah u bixiyeen saraakiil sarsare, askar, cuqaal, daโ€™yar iyo duqowba,kuwaas oo ka hor inta aysan dhimaman shabaab dhadhansiiyay qaraarka guuldarrada,isla markaana shacabka uย  suuragaliyay in ay neefsadaan hawada xoriyadda,wuxuuna halgankoodu keenay inย  lagu safro dhul aysan macaquul ahayn in horay loogu safro, iyadoo dhiigga shuhaddadu uu rajada ku soo celiyay shacab Soomaaliyeed oo hilow iyo hamuun u qabay dowladnimada, waxaa iyana rajadaas rumeeyay Madaxda dalka oo uu ugu horreeyo Madaxwaynaha, isagoo lug ku maray inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Maxaas safarkaas oo cinwaankiisu ahaa safarka xoriyadda, dadka Maxaasna ay Madaxwaynaha ku soo dhaweeyeen dareen farxad iyo filasho leh, Dareen raynrayn iyo rejo leh.

Waxaa sidoo kale safar ku tagay Aadan yabaan Raiisulwasaare xamse, unaย  soo laab qaboojiyay bulshada Aadan yabaal oo ay daashadeen duruufaha ka dhashey tacadiyadii Shabaabka ee lahaa caafimmad darrada,ย  Waxbarasho laโ€™aanta iyo maqnaanshaha adeegyadii aasaasiga ahaa

Raysal wasaaraha oo la hadlayay shacabka Aadan yabaal ayaa ku yiri โ€œquluubtiinna ka saara cabsida Khawaarijta, quluubta ka saara caqiida xumadooda, Diinnta Islaamka ee saxda ah ayaa lagu dhaqi doonaa halkan eโ€ย  Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxay Shabaab dhadhan siiyeen qaraarka guuldarada,ย  iyagoo laga laayay boqolaal dagaalamayaashooda ah, dhul aad u ballaarankna dib looga xoreeyay, iyada oo ay suuragashey in dadkaasi lala gaaro gargaar bini’aadanimo, dadkii ku noolaa deegaannada Khawaarijtu heysteen waxay garowsadeen in ay ku noolaayeen xabsi kor ka furan oo ay ugu jireen dhiig miirratada argagixisada ah.

Ugu danbeyntiiย  waxa ay dadka Soomaaliyeed garowsadeen in Shabaabku muuqa Soomaali ka yihiin, balse ay yihiin Soomaali sumaysan oo halis ku ah jiritaan ka Soomaalida kale.

Qalinka Fardows Daahir

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Mogadishu, SONNA โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga…

February 3, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Khawaarijta oo bilaabay in hubkoodii ay ku wareejiyaan beellaha kadib markii ay xaqiijiyeen in la joogo Dhammaadkooda (warbixin)

Muqdiaho(SONNA):-Kooxda khawaarijta oo mudda dheer dhibaata ku hayay shacabka soomaaaliyeed ayaa hadda wajahayo bur bur iyo quus kadib markii ay…

Maqaallada
April 17, 2023

โ€˜Waa la kala dheereeyay Orodse ma ahan (WARBIXIN)

Qaadista Cunaqabateynta Hubka kadib, maxaa loo baahan yahay? Suaโ€™ashaasi ayaa waxaa laga yaabaa inaad isweydiiso, haddaba si jawaab waafiya loo…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
December 13, 2023

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Ceeldheer oo dardaaran adag la siiyay (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Mas'uuliyiin ka socda ciidamada Qalabka sida qeybta Galmudug ayaa gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaanna hoggaaminayay xeer ilaaliyaha…

Maqaallada
June 19, 2023

Waa Maalintii la baran lahaa Wadaniga dhabta ah (WARBIXIN)

Dhawaan ayay aheyd markii magaalada Dhuusamareeb lagu soo gagabeeyay Shirkii 7-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo uga socda Madaxda…

GudahaMaqaallada
August 29, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023