Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Sidee Khawaarijtu u dileen Shahiid Hibaad Cali Dasar?(Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Sidee Khawaarijtu u dileen Shahiid Hibaad Cali Dasar?(Warbixin)
GudahaWararka

Sidee Khawaarijtu u dileen Shahiid Hibaad Cali Dasar?(Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 31, 2022
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Halgamaa Hibaad Cali Dasar ayaa shihiiday isaga oo kor yeelaya sharafta ummadda Soomaaliyeed iyo qiimaha Diinteenna Suubban, wuxuuna halganka ka dhanka ah Khawaarijta u istaagay ka dib markii Khaawrijtu ay dadka deggan deegaanka Guulane guryahooda uga kireeyeen Lacag badan oo aysan  awoodin.

Alle ha u naxariisto Hibaad Cali Dasar oo ahaa hoggaamiyihii dad iska abaabulay degaanno hoos yimaadda degmooyinka Cadale iyo Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, bilaabayna dagaalka ka dhanka ah kooxda naflacaariga ah ee Al-shabaab ayaa ku geeriyooday dagaal ay Khawaarijta kula galeen deegaanka Guulane bishii October 1,2018, kaas oo Kooxda looga dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal badan.

Dad badan oo isugu yimid deegaanka Masaajid Cali Guduud iyo deegaanada hoos yimaado, ayaa xusay halgankii guuleystay ee furaha ay u ahaayeen shihiid Hibaad iyo halyeey Nuur Cali Jumbur, kuwaas oo taariikhda ka galay baal dahab ah.

Maxamuud Taakoow wuxuu ka mid yahay saaxiibada Hibaad Cali Dasar, sidoo kale, aqoon durugsan u leh Nuur Cali Jumbur, wuxuuna ka warramay taariikhda labadan halyeey sida uu ku bilowday go’aankan loo aayay ee Hibaad & Jumbur.

“ Mucawiisley waxaan aas-aasnay 2014, dagaalkana waxaan bilownay 2016-kii, waxayna ku shihiideen meel la yiraahdo Buur-dacar, raggii ugu horeeyay ee ku dhawaaqay dagaalka xaq u dirirka ah ayey kow ka ahaayeen,” ayuu yiri Mr. Taakoow.

Arxaan-laawayaasha ayaa Qoorta ka jaray ka dibna madaxiisa ayay ku soo wareejiyeen magaalooyin badan si ay dadka ugu cabsi galiyaan, warbaahinta qaranka ayaa dul istaagtay ceelkii Khawaarintu ku rideen Hibaad Cali Dasar Aabihii halganka gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo dhowaan ka hadlay munaasabad loogu duceynayay shihiid Hibaad Cali Dasar iyo shuhado kale ayaa sheegay in halgamaa Hibaad uu shihiiday isagoo kor yeelaya sharafta ummadeenna iyo qiimaha diinteenna suubban iyo dagaalka xaqa ah ee lagula jiro Khawaarijta.

“Runtii Waxay meel sare kaga qoran yihiin halganka jihaadka ah ee ummadeennu kula jirto khawaarijta oo muddo kooban gudahood aan dalka kaga xoreyn doono innaga oo kaa shanayna shacabkeenna sharafta leh,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Hibaad Cali Dasar oo hoggaaminayey ciidamada dib u xoreynta Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa la geeriyooday haglamaa kale oo lagu magacaabo Nuur Cali Jumbur, labadan muwaadin iyo kuwo kale oo badan waxay naftooda iyo maalkooda u hureen difaaca dadka, dalka iyo Diinteenna Suubban oo ay si qaldan u fasireen Khawaarijtu.

Alle ha u naxariistee, Halgamaa Hibaad Cali Dasar oo sabab u ahaa in ay dadka deegaanka hubka qaataan lana dagaalamaan Khawaarijta ayaa hadda waxaa mira-dhal noqday ujeedka halgankoodii, waxayna dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ku dhiiradeen in ay dagaalamaan oo ay deegaano badan ka saaraan argagixisada.

Waxaa isbeddel dhanka nolosha ah laga dareemayaa deegaanadii halganka uu ku bilowday ee gobolka Shabeellaha dhexe, sidoo kale, waxaa rumowday riyadii uu la god galay halgamaa Hibaad Cali Dasar iyo muwaadiniintii kale ee ka bar bar dagaalamayay, iyadoo ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ku guuleysteen in ay maleeshiyada Al-shabaab ka tir-tiraan gobolka Shabeellaha dhexe.

Deegaanka Guulane, oo ah halka uu halganka ka bilaabay shihiid Hibaad Cali Dasar, waxay 50 KM u jira degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellada Dhexe, maanta waxaa laga darreemaya nabad iyo in dib ay u soo laabatay horumarka iyo noloshii bulshada.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA (:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Lafta gareen oo gaaray Diinsoor+Sawirro

Diinsoor-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka…

Wararka
March 3, 2020

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka hawlaha guud oo Kismaayo gaaray

Kismaayo (SONNA): Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda hawlaha guud ee XFS mudane Cabdisalaan…

GudahaWararka
June 3, 2024

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah…

Gudaha
May 9, 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shir wadatashiga arimaha doorashooyinka ugu yeeray madaxda Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

MUQDISHO, (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda…

GudahaWararka
May 2, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023