Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud macalin Cabdulle oo maalmahan safar shaqo ku joogo dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay madaxda ugu sareysa hey’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga.
Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay Alper Kucuk oo ah Agaasimaha guud arrimaha caalamiga ee Bisha cas Turkiga.
Gudoomiyaha ayaa u mahadceliyay shacabka Turkiga iyo Bisha Cas garab istaaga ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed ee soo maray marxaladaha kala duwan..
Alper Kucuk oo ah Agaasimaha guud ee arrimaha caalamiga Bisha cas ee Turkiga ayaa u sheegay Wafdiga Hay’adda Maareynta musiibooyinka in ay Bisha cas Turkiga diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqeeyso, wuxuuna u balan qaaday in ay ka tageeri doonaan arrimaha gurmadka deg degga ee khuseeya nolosha aadanaha.