Muqdisho (SONNA) Tan iyo markii uu billaawday halganka dalka looga xorreynayo Khawaarijta Al-shabaab ayaa waxaa isbadal dhinaca nolosha ah laga darreemaya deegaanno badan oo laga eryay Maleeshiyaadkaasi.
Deegaanka Guulane, waxaa uu 50 KM u jira degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana uu ahaa saldhiggii ugu weynaa ee Yuusuf Kabo kutukade oo ka tirsan Horjoogeyaasha Khawaarijta.
Sidoo kale deegaanka muddo 5-sano ka hor halganka ka bilaabay Shahiid Hibaad Cali Dasar, maanta waxaa laga darreemaya in dib ay u soo laabatay nabadii iyo noloshii bulshada.
Warbixin ku saabsan xaaladda deegaanka Guulane, Halkaan ka daawo.