Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa magaalada London ee dalka Ingiriiska kulan kula qaatay qaar kamid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee deggan magaaladaas.
Kulankaasi ayaa looga hadlay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin in saxaafiyiinta ay doorkooda ka qaataan dagaalka ciribtirka khawaarijka ee ka socda dalka ,iyada oo la taageerayo baaqaย madaxweynaha JFS iyo siyaasadda xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamza.
Agaasimaha ayaa iftiimiyey in warbaahinta gaarka ah iyo wasaaraddu si fiican u wada shaqeeyaan ,dhowaana la filayo in la hirgeliyo sharciga saxaafadda,gaar ahaan sharciga 26.
Agaasimaha ayaa soo hadal qaaday in dawladda Soomaaliya ay gacan kula dagaalamayso Khawaarijta gacanna ugu adeegayso baahiyaha kala duwan ee bulshadu u baahan tahay,gaar ahaan kuwa saxaafadda.